Magacyada Shirkadaha Ku guulaystay Saddex Mashruuc oo Guddiga Qandaraasyadu Shaaciyey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay Saddex Mashruuc oo laga fulinayo gobollada Daad-madheedh iyo Maroodijeex.

Mashaariicda oo la Daah-furay Axaddii todobaadkan isla markaana ay ku tartameen 26 Shirkadood, ayaa isugu jira laba mashruuc oo laga fulinayo gobolka Daad-maadhe iyo Mashruuc laga fulinayo gobolka Maroodi-jeex.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada tartanka loo galay mashaariicda, waxa goob-joog ka ahaa Xubno ka tirsan Guddiga Qandaraasyada, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo Masuuliyiin ka socotay hay’adaha dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn kulanka ka hadlay, ayaa halkaas ka shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay Saddexda Mashruuc oo kala ah Dhismaha iyo Dayac-tirka Xabsiga Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha iyo Dayac-tirka Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh iyo ugu dambayn Dhismaha iyo Dayac-tirka Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodijeex.

Faahaahinta Warkan iyo Magacyada Shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda ee Guddoomiyuhu shaaciyey, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com