Magacyada Laba Ka Mid Ah Horjoogeyaasha AL-shabaab Oo Mareykanku Hantidooda Xayiray

New Yotrk, (SLP)- Dalka Mareykanka ayaa xayirtay hantida laba ka mid ah saraakiisha kooxda ka dagaalanta dalka Soomaaliya ee Al-shabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan weyn ka gaysteen weerarkii jaamacada Gaarisa ee ay ku dhinteen 148 qof.Al-shabaab

Laba sarkaal ayaa ah hogaamiyeyaasha ciidanka gaarka ah ee loo yaqaan Amniyaat, isla markaana waxa la sheegay inay xubnaha ugu muhiisan dhinaca mukhaabaraatka.

Xukuumadda ayaa guud ahaan xayirtay hantida labadan hogaamiye oo kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Kaarate, oo magaciisa saxda ahi yahay Cabdirixiin Warsame.

Go’aankan ayaa saamayn ku yeelan doona mustaqbalka taageerada dhaqaale ee ay helaan xubnahan iyo kooxda Al-shabaab, iyadoo kooxdaasi ay kaga aargudan doonaan weeraro ay la beegsadaan, xarumaha Mareykan ku leeyahay caalamka.

“Dhamaan hantida Diiriye iyo Kaarate si kastaba waa loo xayiray” ayaa lagu yidhi qoraal Mareykanku soo saaray.

Somalilandpost.net