Magacyada Guddi loo magacaabay Dib-u-dhismaha Madaarka Burco

Burco,  (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar, ayaa maanta ku dhawaaqay Gudida Dibu dhiska Madaarka Magaalada Burco.

Xubnaha Gudidan oo ka kooban  13 ayaa Kulankii magacaabistooda lagaga dhawaaqayay oo lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer, waxaa goob-joog ka ahaa dhammaan Xubnaha loo soo xulay inay noqdaan Gudida taburucaadka Dib-u- dhiska Madaarka Burco.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar  oo hadal ka jeediyay madashaasi  ayaa ku sifeeyay Gudidan in ay u xil saaran yihiin dibudhiska iyo dhaqaalo Ururinta Madaarka Burco isagoo ugu baaqay Guddoomiyahani Bulshada Qurba-joogta ah ee Gobolkani inay ka qayb qataan dibu Habaynta Madaarka Burco.

Duqa Degmada Burco Maxamuu Axmed Xasan Dhegalaab Oo Xubin Ka ah gudidan Ayaa isna Usoo Jeediyay Bulshada Gobolka Togdheer Gaarh Ahaan qurba Joogta Inay Ka Qayb qatan Dibudhiska Madaarka Burco

Sh. Cali Maxamed Axmed Sh. Cali Mawliid oo ah Guddoomiyaha Gudidan, ayaa isna wax lagu farxo Ku tilmaamay Hawshan ay ku dhiirratay wasaaradda Duulsita iyo Hawada Somaliland isagoo ku timaamay hawshani mid muhiim u ah bulshada gobolka Togdheer iyo guud ahaan Somaliland.

Gudidan oo  ka Kooban 13 xubnood ayaa  kala ah:

1- Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Duulista Iyo Hawada Xubin

2- Cabdoo Axamed Aayir, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xubin

3- Maxamuud Axmed Xasan Maayarka Magaalada Burco Xubin

4- Xil Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Xubin

5- Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf (Waabeye), Xubin

6- Cali Maxamed Axmed (Gudoomiyaha Guddida)

7- Cabdiraxmaan Maxamed Timir (Gudoomiye Ku Xigeen)

8- Yaasiin Maxamed Shide

9- Sheekh Yuusuf Cawad

10- Maxamuud Diiriye Xayd

11- Sh. Cabdilaahi Daahir (Cabdilaahi-Baashe)

12- Sh. Maxamed Axmed Yaasin

13- Eng. Faarax Xuseen

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net