Magacyada dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay Shil baabuur oo ka dhacay Degmada Lughaya

[L]ughaya (SLpost)- Shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Labo-dheged-ka oo ka tirsan degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey Cisbitaalka ugu dhow ee magaalada Lughaya waxaana darawaliintii labadaasi gaadhi  oo kala ah Mahdi Indho-geelle iyo Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Iskaanyo, ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska magaalada Lughaya, waxaana kiiskan sida uu u dhacay iyo waxa sababay baadhitaankiisa gacanta ku haya hay’adaha ammaanka ee gobolkaasi.Laba baabuur oo noocoodu ahaa Toyota Landcrusar kana yimid dhinaca dalka Jabuuti oo ku socday Magaalada Hargaysa ayaa subaxnimadii saaka isku dhacay xilli ay marayeen dhulka ciidda badan ee laba-dhegedka, waxaana ku dhintay shilkaasi Marxuum Jirde Maxamed Khaliif, halka ay sidoo kalena ku dhaawacmeen todoba ruux oo kale oo isugu jira afar rag ah iyo sadex dumar ah.

 

Dadka shilkaa ku dhaawacmay ayay magacyadoodu kala yihiin sidan:

  • Malyuun Maxamuud Bakaal iyo Hooyadeed Xaliimo Ibraahin Xasan.
  • Sahal Rooble Cawleed
  • Amarre Rooble Cawleed
  • Mawliid kayd xasan
  • Faadumo Cilmi Idiris  iyo
  • faadumo Aadan jaamac

Shilalka baabuur ee ay sababaan baabuurta Safarka loogu raaco dalka Jabuuti ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey soo kordhayey iyaga sababay khasaare kala duwan oo naf iyo
mood-ba isugu jira, iyada oo inta badan sababaha shilalkan loo nisbeeyo waddo xumo ka jirta deegaamada ay baabuurtani ku safraan iyo sidoo kale masuuliyad darro ka timaadda darawaliinta baabuurta isaga goosha Somaliland iyo Jabuuti.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net