Magacyada 12 Sarkaal oo Madaxweynaha Somaliland Billad-geesi ku tolay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa bilado ku taxay 12 sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka, kuwaas oo loo aqoonsaday geesiyaal.

Madaxweynaha ayaa saraakiishan billadaha ku tolay maalintii shalay oo ku beegnayd xuska munaasibadda 29-guurada maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18 May.

Magacyada saraakiishaas ayaa kala ah

  1. Gaashaanle Sare Ismaaciil Faarax Cawaale Doolaal
  2. Gaashaanle Sare Axmed Hure Haariye
  3. Gaashaanle Sare Mahad Faarx Cilmi Cambaashe
  4. Gaashaanle Sare Cabdillaahi Suufi Axmed
  5. Gaashaanle Sare Yuusuf Iimaan Diiriye
  6. Gaashaanle Dhexe Kayd Cismaan Maxamed
  7. Gaashaanle Dhexe Ibrahim Cali Sabir
  8. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdillaahi Cartan
  9. Gaashaanle Dhexe Cabdillaahi Maxamed Axmed Dhegaweyne
  10. Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen
  11. Gaashaanle Faysal Cabdi Bootaan
  12. Gaashaanle Sare Cabdillaahi Ibraahim Xasan

Somalilandpost.net