Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 26aad

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Qormadii 25aad waxaynu kaga soo hadalnay siyaabihii kala duwanaa ee  ay shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafintu u arkayeen  baadhistii uu  Hantidhawrku ka bilaabay wasaaraddaas maalintii taariikhdu ahayd 30/07/2012-ka.  Taas  oo aynu soo sheegnay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda intooda badani u arkayeen arin iska caadi ah oo aan wasaaradooda uun ku koobnayn, balse ay tahay arin  had iyo jeer ka dhacda hay’adaha kala duwan ee dawlada. Waxa kale oo aynu  xusnay in ay jireen xubno tiro yar oo iyagu baadhistaa si weyn uga soo hor jeerday, una arkayey in ay dhibaato ka soo gaadhi doonto.

Sidaa darteed qormadan maantana waxa aynu si gaar ah  ugu eegi doonaa dareenkii ay xubnahaas oo ay hormood u ahaayeen wasiir Boobe iyo Xasan Maxamuud ka bixiyeen  baadhista  Hantidhawrka iyo weliba  wixii fal-celis ahaa ee ay  ku kaceen  si ay baadhistaas u joojiyaan. Run ahaantii inkasta oo ay aad u adagtahay in aan qallinka idiinku sawiro dareenkii dhabta ahaa ee xubnahaasi  sida uu  maalintaas ahaa  iyo tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay sida deg degga ah ugu qaadayeen in  ay  ku hor joogsadaan Hantidhawrka iyo baadhistiisaba.  Ayaa hadana waxaan isku deyi doonaa in aan idinla wadaago, isla mar ahaantaana    si kooban wax uga   tilmaamo dhawr arimood oo aan odhan karo waxay ahaayeen  kuwii  aniga shakhsiyan iigu layaabka badnaa,  marka la eego waxyaabihii kala duwanaa ee iyo falalkii tirada badnaa ee ay xubnahani ku kaceen maalintaas.

Marka hore sidii aan horeba idiinku soo sheegay Hantidhawrku waxay wasaaradda soo galleon xilli salaad hore ah, oo aanay weli shaqada soo gelin madaxda iyo  shaqaalaha wasaaradda intooda badani. Markaa inuu wasaaraddii Hantidhawr soo galay dadka badankoodu waxay ogaadeen goor dambe oo  kooxdii Hantidhawrka ahayd  xafiisyadii maamulka iyo lacagta ee Tv-ga iyo Idaacadda oo horeba u wada xidhnaa ay midkastaba quful weyn ku sii dul  xidheen, albaabkana  kaga dhejiyeen waraaq ay ku qorantahay lama furi karo.  Taas aawadeed xubnihii masuuliyiinta ka ahaa xafiisyadaasi markii ay arkeen xafiisyadoodii oo uu Hantidhawrku xidhay, waxay  naxeen  naxdin uu qof bani-Aadam ahi naxo tii ugu xumayd, haba sii kala darnaadaane. Waxaa dhacday in qaarkood saacado dhan laga waayey  wax dhaq dhaqaaq ah iyo wax hadal iyo hugun ahba.

Waxyaabaha maalintaas dhacay ee aan sida gaarka ah u xasuusto waxa ka mid ah xaaladii uu ku sugnaa Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-gu Xasan Maxamuud, taasoo aan  odhan karo waxay ahayd xaalad aan geeri iyo nolol midna lagu tilmaami Karin.  Waxay ahayd xaalad uu aad uga  naxayey qof kasta oo ninkaas arkaaba.   Waxaa mar keliya dugul madow isu rogay  midabkiisii dhalaalka iyo quruxda badnaa.   Waxaa si deg deg ah isu bedelay jawigiisii iyo shucuurtiisii oo dhan. Inkasta oo wakhtigu ahaa xilli aroor hore ah, oo ay dhaxan faro badani jirteyna,  waxa hadana  jidhkiisa oo dhan iyo dharkii uu xidhnaaba  sida dhibicda roobka u wada qooyey dhididkii isaga ka dhacay. Waxuu qof kasta oo subaxaa Xasan u jirsaday masaafo dhawr talaabo ahiba si wanaagsan u maqlayey fug fugta ka baxaysa garaaca wadnahiisa. Ma layaab buuse lahaa  miskiinku!!  Waxaa u muuqday  wixii uu musuq maasuq iyo wax is dabamarin sameeyey  oo xogtoodii la wada helaye.  Waxaa hor yimi iyada oo uu Hantidhawrku kabadhada iyo khaanadaha xafiiska ka soo gurayo deraasiin buugaagta waraaqaha qaansheegta loo yaqaano ah (Invoice) iyo deraasiin buugaagta waraaqaha gudoonka loo yaqaano ah   (Receipt Vouchers). Kuwaas oo  dhamaantoodba ahaa buugaag sharci darro ah, oo ays isaga iyo cidii kale ee la ogayd u soo daabacdeen in ay  ku xadaan hantida ummada ee ay masuulka ka ahaayeen, iyaga oo waraaqahaasna ka dhigaya waraaqo biilal ah oo ay ku bixiyeen lacago deyn ah oo ay dad ganacsato ahi ku lahaayeen.  Waxa kale  oo uu arkayey shaabadahii foorjeriga ahaa ee ay u adeegsan jireen lunsiga xoolaha ummada oo Hantidhawrku si hawl yar uga soo dhuftay mid ka mid ah khaanadaha miiska xafiiskiisa. Waxaa wer wer iyo walbahaar aan la qiyaasi Karin ku hayey liisaskii ay ku qornaayeen shaqaalaha caagleyaasha ee ay bil kasta ku lunsan jireen lacagta kumanaanka kun ee dollar ah oo Hantidhawrka gacanta u galay, ka dibna ay  u bandhigeen masuuliyiinta wasaaradda ee ay awel hore ka qarin jireen. Isku soo wada duuboo intaas oo wax oo wada musuq maasuq iyo tuugo ku saabsan ninka ay cadaymahoodii dhami xafiiska u yaaleen ee uu Hantidhawrku aroor hore albaabkii ka xidhay bal is weydiiya xaaladiisu sida ay noqon lahayd. Sow ma cada inuu ku sugnaanayo xaalad aan geeri iyo nolol midna lagu tilmaami Karin.

 Waxa kale ee   maalintaa fajaca  iyo amakaaga  igu riday waxa uu ahaa  dareenkii iyo habdhaqankii la yaabka badnaa  ee aan   ku arkay wasiir Boobe, kaas oo run ahaantii ahaa mid   maskaxdayda ku reebay sawir aanay xusuustiisu weligeed  guurayn.  Waayo waxuu  ahaa mid aan waali iyo miyir qab midna lagu sheegi karayn. Waxuu ahaa dareen ay deganaanshihii iyo xasiloonidii oo dhami ka maqan yihiin. Waxuu ahaa dareen iyo habdhaqan  masuuliyadda  iyo waayeelnimada labadaba ka fog.

 La Soco…………