Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon – Qormadii 23aad

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan  qallinka u qaatay in aan si taxane ah idiinku soo gudbiyo qormooyinkan fal-celiska u ah, qoraalada runta ka fog ee uu Boobe sida joogtada ah Wargeysyada ugu qorayey, waxaan idiinka sheekaynayey oo ay qoraaladaydu ku koobnaayeen ka waramida mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, mudadii u dhaxaysay  19/3/12ka-4/9/12ka.  Iyo weliba qaar ka mid ah waxyaabihii yaabka badnaa ee wasaarada ka dhacay mudadaas oo uu Boobe ka ahaa wasiir.

 Maantase waxaan  jeclaystay  in aynu ka  taalawno xuduuda u dhaxaysa labada wadan ee Somaliland iyoEthiopia, si aynu socdaal kooban  oo xaqiiqo raadis iyo tamashle ah  ugu soo marno magaalooyinka Herar, Dirirdhaba iyo Addis-Ababa oo ka mid ah meelihii kala duwanaa ee ay xilligii halganka joogi jireen mujaahidiinta ururkii SNM. Kuwaas oo aynu tegidooda uga dan leenahay in aynu ka soo ogaano, ama ka soo helno xogo wax-ku-ool ah oo la xidhiidha kaalintii uu Boobe  kaga jirey halgankii ururka SNM ee dib u xorayntaSomaliland, waxtar iyo waxyeelo midka ay ahayd.

Hadaba markii aan sameeyey baadhitaano  ku saabsan kaalintii uu Boobe kaga jirey halgankii SNM, ee aan waraystay  mujaahidiin faro badan oo SNM ah, waxaa ii soo baxay waxyaabo faro badan oo ay ka mid tahay sheekada hoos ku xusani, waana tan sheekadaasi.

Boobe ma ahayn nin lagu yaqiin inuu ka hawlgalo  furimaha dagaalka xiligii uu socday salgankii hubaysnaa ee SNM Sanadihii lagu jiray halgankii qadhaadhaa, Boobe wuxuu ku noolaan jiray magaalooyinka Addis-Ababa iyo Diri-Dhaba. Marka uu ugu soo dhowaado  wuxuu soo gaadhi jiray magaalada Jig jiga oo guri laga siiyey. Marka kaliya ee la arki jiray Boobe isaga oo qabanaya shaqo ay   SNM leedahay  waxay ahayd xiliyada uu ururku shirarkiisa qabsanayo oo keliya. Taasina  waa  sababta ay  had iyo jeer  Boobe  marka uu wax ka qorayo taariikhda  halgankii SNM  sheekooyinkiisa oo dhami  u noqdaan kuwo aan dhaafsiisnayn shirweyneyaashii ururka ama kalfadhiyadii golaha dhexe iyo guddida fulinta. Kuwaas  oo uu qudhoodana uga  hadlo ama uga waramo  kolba sida uu isagu oo keliya.

Boobe maadaama aanu tegi jirin jiidaha hore ee dagaalka, oo ahaa meelahii ugu muhiimsanaa ee uu ka socday halgankii   hubaysnaa mujaahidiinta SNM, wuxuu had iyo jeer shaki xoog leh  ka qabi jirey  in ay  dadku  u aqoonsan yihiin “Mujaahid” iyo in kale.

Sidoo kalena maadaama ay Boobe  waxbarashadiisu ahayd mid ku kooban  dugsi sare , oo aanu wax jaamacad ah ka bixin, waxaa cuqdad nafsi aan weligiiba ka hadhin ku noqotay shahaado jaamacadeed la’aantii haysatay, arintaasina waa  sababta uu ilaa maanta u  jecelyahay ka qaybgalka Seminaarada yar yar ee  marka ay dhamaadaan lagu bixiyo  shahaadooyinka ka qaybgalka (Certificate of participation).

Hadaba aynu halgankii ku soo nqono’e, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qiso dhab ah oo  SNM dhexdeeda ka dhacday xiligii halganka ee  dagaalka lagu jiray, taasoo ah qiso ku saabsan  xidhiidh lagu hagardaamaynayey ururkii SNM oo magaalooyinka  Herer iyo Addis Ababa ku dhex maray Boobe iyo sirdoonka Liibiya: Shirweynihii  ururka SNM ee badhtamihii 1983-kii lagu qabtay magaalada Herer markii uu dhamaaday ayaa waxa dhacday in xubno faro-ku-tiris ah oo uurka ka tirsanaa ay bilaabeen inay xidhiidh qarsoodi ah la yeeshaan Safaaraddii dalka Liibiya u fadhiday caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa.

Xidhiidhkaas oo ahaa mid uu soo abaabulay ninka la yidhaahdo Boobe Yuusuf Ducaale waxa ay  ujeedadiisa gaabani ahayd sidii ay Liibiya ururka SNM ugu dhex yeelan lahayd ashkhaas danahooda u fulisa  oo ku xidhan Sirdoonka Liibiya.  Halka ay ujeedadiisa fogina  ahayd sidii ay SNM ugu dhex milmi lahayd ururkii SSDF ee uu hogaaminayey Colonel Cabdilaahi Yuusuf oo laftiisu ahaa nin Camiil u ahaa, isla markaana ka amar qaadanayey  kalidii taliyihii Liibiya ee Mucamar Al-Qaddaafi.

Jabhadda SSDF oo lagu dhawaaqay dabayaaqadii sideetamaadkii waxay taliska Liibiya ka heli jirtay taakulayn laxaad leh oo isagu jirta hub fudud iyo mid culusba, saad, rasaas iyo Lacag cadaan ah oo toos loo siiyoa, halka SNM oo la aasaasay horaantii 1981 ay ku dagaalami jirtay dhaqaalaha iyo qoryaha fudud ee ay taageerayaasheedu siiyaan iyo  hubka Taknikada ah ee ay ka qabsato ciidamada Siyaad Barre ee ay dagaalka kula jirtay oo keliya.

Cabdilaahi Yuusuf muu jeclayn in ay  jabhado kale oo Soomaali ahi  saaxadda ku soo biirto, taas darteedna  waxa uu sanadkii 1982-kii  bilaabay olole uu kaga hortegayo in Itoobiya ay SNM u ogolaato inay saldhigyo ka samaysato xadka u dhexeeyeya labada dal. Waxa kale oo uu Cabdilaahi Yuusuf aad isugu hawlay in ay Liibiya  culays diblomaasiyadeed ku  saarto dawladii Itoobiya sidii ay  SNM ugu qancinlahayd   inay la midowdo SSDF.

Hase yeeshee dadaalkaa weyn ee uu Cabdilaahi Yuusuf u galay arinkani muu noqon mid guulaysta sababtoo ah hogaanka iyo taageeroyaasha SNM ayaa ma rwalba ka soo horjeeday wax midow ah oo dhex mara ururkooda iyo jabhadii Cabdilaahi Yuusuf. Arintaasina waxay   gaadhay in dabayaaqadii 1982-kii uu Mucamar Al-Qadaafi laftiisu martiqaad u soo fidiyo Madaxdii ururka SNM inay ku soo booqdaan dalkiisa si ay u wada hadlaan.

Waftiga SNM ee Liibiya tagay waxa hogaaminayey gudoomiyhii ururka SNM ee xiligaa Marxuum Sheekh Yuusuf Cali Guray Sheekh Madar, waxaana xubnaha wefdigaasi ka mid ahaa xoghayihii guud ee ururka marxuum Axmed Ismaaciil (Dukhsi), Cabdisalaan Yaasiin, Xasan Ciise Jaamac, Ciise Curaagte, Cabdirisaaq Caqli, Maxamuud Xaaji Jaamac (Dable), Cabdi Ibraahim (Jaale-diid).

Nimankaasi dhamaantood waxay ahaayeen rag ku wadh-wadhay luqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga qaarkoodna waxaabay ku hadli jireen 4 ilaa 5 Af oo qalaad.

Markii ay la kulmeen Qaddaafi ayuu kalidii-taliyihii Liibiya oo si xad-dhaaf ah u kibrisanaa wafdigii SNM-ta ku yidhi waxaanu maqalnay inaad gooni goosad tihiin oo ku xidhantihiin dawladaha carabta ee dib-u-socodka ah sida Sucuudiga oo ay lacag idin siiyaan, taas oo ah sababta aad u diidan tihiin inaad la midowdaan SSDF.

La soco……………………………….