Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon: Qormadii: 22aad

Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Qormadii 21aad ee qoraalkan taxanaha ah  waxaan idiinku soo gudbiyey qaar ka mid ah arimaha la rumaysan yahay. In ay sabab u ahaayeen in  wasiir Boobe  si badheedh ah u diido wax ka qabashada musuq maasuqii baahsanaa ee wasaaraddiisa ka socday. Iyada oo sida uu isaguba inoo qirtay boqolaal jeer oo kala duwan loo soo jeediyey in uu wax ka qabto.

Hadaba waxaan jecelahay inta aynaan ka bixin  isla  mawduucaas  in aynu xusno qodob iyo  iyo laba ka  mid ah isla arimahaas loo tirinayo in ay sabab u ahaayeen xil gudasho la’aantii dhinaca musuq maasuqa ee   Boobe.  Kuwaas oo aynaan kaga hadlin qormadii 21aad ee shalay. Waana kuwan qodobadaasi:-

  • Waxyaabaha   kale ee loo tirinayo in ay Wasiir Boobe ugu wacnaayeen.  Inuu dhegaha ka furaysto talooyinkii faraha badnaa iyo baaqyadii kala duwanaa ee loogu sheegayey, in uu wax ka qabto musuqa iyo maasuqa wasaaradiisa ka socda.  Musuqaas oo  uu taa  cakiskeeda  si toos ah  u difaaci jirey sii socoshadiisa iyo dadka wadaba. Ayaa waxa la tuhunsanyahay in ay kow ka ahayd aqoon yaraan la xidhiidha dhinaca diinta.  Maxaa  yeelay marka la  eego hadalka hoos ku xusan oo ah  mid  uu Boobe  laftiisu inoogu sheegay qormadii 30aad ee qoraaladiisa.  Waxa aynu si fudud u dareemi karnaa in aanu  Boobe ahayn nin ku wanaagsan dhinaca diinta.  Hadalkaasina waa kane bal hada idinkuba si fiican ugu fiirsada.  Waxuu ina yidhi.

Subaxnimadii hore ee 30/7/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, ayaa waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 7.10 ee aroortii hore, ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrihii Guud xidhay oo baadhayo xafiiskii Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka. Marka uu tilifoonkaasi igu soo dhacayay waan quraacanayay. Markiiba dhankii xafiiska ayaan u boqoolay. Waan iska garanayay in aanay ahayn baadhis caadiya ama aanu Hanti-dhowraha Guud iskii u iman bal se uu ku jihaysnaa Xasan Maxamuud oo ay hadal-hayntiisu aad u badnayd in badanna la igala hadlay”.

Waxaa run ahaantii wax lala yaabo ah,   oo aan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa. In maalinta uu Boobe tilmaamay in uu quraacanayey  ee 30/7/2012.  Ay ahayd maalin Ramadaan ah, oo ay dadka muslimiinta ahi soomanaayeen. Taas macnaheeduna waxa weeye in aanu Boobe soomanayn maalintaas iyada ah. Sidaas darteed ninka da’daas ah ee ina leh maalin cad oo ramadaan ah ayaan wax cunayey. Isla mar ahaantaana aan   inoo sheegin wax qiil iyo cudur daar ah oo la xidhiidha sababta uu u soomi waayey.  Ma yahay nin warkiisa la qaadan karo, oo aynu run ka filli karno?  Ma yahay nin amaano xafid iyo Alle ka cabsi leh, oo musuq maasuq ka madhnaan kara?  Mase yahay nin aynu qallinkiisa ka martiyi karno inuu si  daacadnimo  ah, oo been ka madhan inoogu soo gudbiyo sababihii xilka lagaga qaaday?

Anigu ma ihi nin su’aalahaas ka jawaabidooda halkaas u dhaafaya. Waayo idinka   ayaan idiin daayey oo maankiina iyo maskaxdiina la kaashandoona.  Hase ahaatee waxaan hore ugu sii soconayaa.  In aan idiinka  waramo  sidii ay wax u dhaceen maalinta  Boobe quraacanayey, ee uu Hantidhawrku baadhista ka bilaabay wasaaradda warfaafinta. Ugu horaynta waxaan si cad u beeninayaa hadalka Boobe ka soo yeedhay, ee ku saabsan  in baadhista Hantidhawrku ahayd mid ku koobnayd Tv-ga oo keliya, ama cid gaar ah ku jihaysnayd. Waxaanan idiin sheegayaa in baadhistaasi ahayd mid caam ah, oo ay ka sinaayeen waaxaha maamulka iyo lacagta ee Tv-ga, Radio Hargeysa, Dawan Group iyo Agaasimeyaashooduba. Qofkii taas xaqiijinteeda u baahanina waxuu toos u tegi karaa xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Kaas oo uu ku soo arki karo faylalkii iyo documentiyadii xisaabaadka ee uu  Hantidhawrku           sadexdaas waaxoodba maalintaas lafteeda ka qaatay, oo sidii halkaas u yaala baadhistoodiina weli socoto. Marka hadaba arintu sidaas tahay sow ma odhan karno  Boobe waxyaabihii  wasaaradiisa  ka dhacayey  iyo  baadhistii uu Hantidhawrku ka wadey waaxaheeda oo dhan. Waxa uu ka ogaa oo keliya intii Xasan Maxamuud iyo Tv-ga khusaynaysay oo qudha. Sidoo kale sow ma odhan karno sheekada Boobe ee ku saabsan baadhista Hantidhawrku waa mid xaqiiqada ka fog, oo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana danno iyo ujeedooyin gaara ku dhisan.

Intaas marka aynu ka nimaadno.  Waxaa jirtey in   30/7/2012-ka oo ahayd  maalin Isniin ah, kuna beegnayd sida aan qiyaasayo 7-dii ilaa 8-dii  bishii Ramadaan ee ina dhaaftay. In  subaxnimadii hore abaaro 6:30 daqiiqo saacadu markay ahayd  ay soo galeen xarunta wasaaradda wafaafinta soo galeen. Koox  Hantidhawreyaal iyo Askar  Boolis ah ka  kooban, oo uu horkacayo Hantidhawraha guud ee Qaranku  Md. Maxamuud  Aw Cabdi (Maxamuud Dheere). Dabadeedna kooxdaasi waxay markiiba toos u abaareen xafiisyada maamulka iyo lacagta ee wasaaradda iyo Tv-ga. Kuwaas oo aanu midkoodna furnayn xiligaas ee wada xidhnaa. Hase ahaatee waxay mid kasta xafiisyadaas ku sii dul xidheen Quful weyn oo ay iyagu siteen. Sidoo kale waxay midkasta albaabkiisa ku dhejiyeen waraaq xabag leh, oo ay dusha kaga qorantahay lama furi karo.  Sidaas darteed markii ay madaxda iyo hawl wadeenada kala duwan ee wasaaraddu shaqada soo galeen waxa ay ka war heleen in wasaaradda uu Hantidhawr soo galay xafiisyaasna xidhay.  Iyada oo uu dareenkii ay madaxda iyo shaqaalaha wasaaradu ka bixiyeen talaabadaasina ahaa mid kala duwan oo aan isku mid ahayn.

La soco……………………………………