Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 17aad

Guddoomiyaha DAWAN
Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Qormadii hore ee 16aad waxa ay sheekadu inoogu  joogtay, iyada oo uu  mid ka mid ahaa lixdayadii Agaasime ee aanu habeenkaas meesha ku wada fadhinay. Si qarsoodi ah nooga duubay wixii aanu ku sheekaysanaynay oo dhan. Ka dibna uu   Boobe farta ka saaray hadalkii uu naga duubay oo sidiisii ah, isla subaxnimadiiba markii waagu baryey.

Hadaba inaga oo ku soo laaban doona waxyaabihii markaas dabadeed  dhacay iyo Boobe  waxii uu yeelay.  Markii  uu ninkii basaaska ahaa  u geeyey hadalkii uu naga soo duubay.  Ayaa waxaan jecelahay  in aynu dib ugu yara noqono sheekadii  hore inoogu socotay, ee ku saabsanayd lacagtii uu Boobe doonayey inuu sida musuq maasuqa ah ku qaato, ee ay Madaxtooyadu ka joojisay.

Sidaa darteed Agaasimihii farsamadu wasaaraddii markuu gaadhay. Waxuu si toos ah ugu tegay Boobe oo xafiiskiisii fadhiya. Dabadeedna waxaa hadalkii bilaabay wasiir Boobe, oo ku yidhi “waxaan ku weydiiyey maxaad Madaxtooyada noogu dirtay ee aad ugu tidhi ma jirto wax alaab ah  oo ay idaacadu u baahan tahaye lacag ha bixinina”. Agaasimahii farsamaduna waxuu ugu jawaabay oo uu yidhi. “Wasiir horta anigu madaxtooyada kuma odhan alaab looma baahna iyo lacag ha bixinina midna. Hase ahaatee waxa jirtay in qoladii Shiinaha ahayd ee ka socotay shirkadii aynu idaacada ka iibsanay ay warbixin ku saabsan idaacada iyo waxyaabaha ay u baahantahayba u gudbiyeen Madaxtooyada iyo hay’adihii kale ee hawsha idaacadda ku shaqada lahaa oo dhan, sida Wasaaradda warfaafinta, Gudiga Qandaraasyada iyo shirkadii wadaniga ahayd ee idaacadda inoo soo iibisayba. Warbixintaasna waxyaabihii ku qoranaa waxa ka  mid ahaa mishiinka laydhka ee idaacadu ku shaqaynaysaa, nooca uu yahay iyo awoodiisu inta ay noqonaysoba. Sidaas awgeed iyada oo madaxtooyadu warbixintaas haysata,  ayaad adiguna  ku tidhi noo iibiya mishiinkii weynaa.  Kaasoo  aniga laftaydu   maalintii hore ee aad soo qor igu tidhiba aan kuu sheegay in aynaan u baahnayn. Iyada oo aan weliba kuu raaciyey lacagta aynu mishiinkaas gelinayno waxaa ka wanaagsan in aynu ku qabsano waxyaabo kale oo aynu u baahanahay, isla markaana inooga faa’iido iyo waxtar badan.

Agaasimaha farsamadu waxa kale oo uu wasiirka tusay in  waxyaabo faro badan oo khaldani ku jireen  qalabka uu madaxtooyada weydiistay in loo iibiyo. Waxa kale oo uu tusay in qiimaha alaabta ee ku  qoran warqada uu wasiirku saxeexay, ee uu madaxtooyada u gudbiyey aanu ahayn qiimihii saxda ahaa ee uu isagu hore ugu soo gudbiyey. Balse uu yahay qiime ugu  afar jibaar ka badan qiimihii runta ahaa ee alaabtaas. Isaga oo weliba soo hor dhigay qiimihii rasmiga ahaa ee ay alaabtaas ugu soo qiimeeyeen shirkadahii alaabta sameeyey laftoodu. Markaas ka dib wasiir Boobe  wuxuu arkay, in uu Agaasimuhu hayo wax cad oo aanay jirin meel laga maraa. Dabadeedna Boobe intuu is dejiyey,  oo uu si qabow ula hadlay ayuu Agaasimahii ka raali geliyey waxyaabihii ku yidhi markii uu Telefoonka kula hadlayey. Sidoo kalena Wasiir Boobe qorshihii xatooyada iyo musuq maasuqa ku dhisnaa ee ka fashilmay.  Waxa uu masuuliyadiisii ku eedeeyey Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Tv-ga iyo dhawr Agaasime oo kale, oo uu sheegay  in ay isugu markhaati fureen. In qalabkan si deg dega ah loogu baahan yahay iyo weliba in uu qiimahiisu yahay inta warqada ku qoran ee ay madaxtooyada u gudbiyeen.

Wasiir Boobe waxa kale oo uu Agaasimaha hortiisa ku qiray   in uu  meesha musuq maasuq ku jiro, isla mar ahaantaana waxa uu  hoosta ka xariiqay in uu hore u maqlay intii aanu wasiirkaba noqonin in ay wasaaradda joogaan dad tuug ah oo musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta xarfaan ku ahi. Isaga oo ugu dambayntiina ballan qaaday in uu si deg deg ah dadka noocaas ah wax uga qaban doono. Mase jirin haba yaraatee wax uu ka qabtay dadkaasi. Balse taas bedelkeedii waxuu sameeyey inuu si toos ah ula soo safto dadkii musuq maasuqa samayn jirey  ee uu lahaa deg deg baan wax uga qabanayaa.

Markaas dabadeedna waxaa dhacday in  Madaxtooyadu  markii ay  aragtay heerka uu marayo musuq maasuqa ka jira wasaaradda warfaafintu.  Ay go’aansatay  in wixii qalab ah ee loo soo iibinayo idaacada cusub lacagtooda aanay u dhiibin masuuliyiinta warfaafinta. Maadaama ay noqdeen kuwo aan la aamini Karin. Sidaas darteedna waxaa dhacday in mishiinkii iyo qalabkii kale ee uu  Boobe sheegay in ay idaacadda cusubi u baahan tahayba  soo iibintoodii ay Madaxtooyadu u igmatay  Maareeyaha guud ee  Wakaalada biyaha   Hargaysa, oo ah nin madax ka ah hay’ad kale  oo dawladeed. Halkaasna waxa idiinka cad  sida  uu  Boobe u baabiiyey sumcadii iyo karaamadii wasaaradda warfaafinta  mudadii koobnayd ee uu madaxda ka ahaa. Maadaama ay dhacday in wasaaraddii oo dhan loo arkay meel musuq maasuq dishooday.

 La soco……………