Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 11aad

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Qormadii 10aad ee shalay waxaan  idiinku soo sheegay waxyaabaha sababay khilaafka iyo ismaandhaafka dami waayey ee ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta. Mudadii uu Boobe ahaa Wasiirka Wasaaraddaas. In kuwoodii ugu darnaa,  uguna waaweynaa ahaayeen qaar ku saabsanaa, arimo la xidhiidhay  musuq maas iyo wax is daba marin ka jirtey wasaaradda. Kuwaas oo uu wasiirkii  wasaaraddaasina wax ka qabashadooda ka gaws adaygay. Si aad u kooban, oo kor xaadis ahna waxaan qormadaas ugaga waramay. Mid iyo laba ka mid ah, siyaabahii kala duwanaa ee wax loo musuq maasuqi jirey, iyo meelihii lagu lunsan jirey waxyaabaha la musuqayo. Iyada oo aan si gaar ahna hoosta uga soo xariiqay laba arimood oo kala ahaa. Lacag ka badan tobanaan kun oo dollar, oo  bil kasta lagu xadi jirey. Magacyadaa Caageleyaasha ah ee ku jirey   liisaska shaqaalaha Tv-ga gudo iyo dibedba. dibedaba. Iyo Idaacaddii cusubeyd  ee radio Hargeysa, oo iyada qudheedu xubno ka tirsan masuuliyiinta wasaaradda u nqotay fursad qiimo leh oo looga faa’iidaysan karo lunsashada hanti boqolaal kun oo dollar ka badan. Hase ahaatee inkasta oo ay jiraan lacago xoog leh oo lunsashadooda looga faa’iidaystay fursadaasi. Ayaa hadana, sida aynu ku soo aragnay qormadii hore   waxa jirta in la fashiliyey qorshihii ugu weynaa, qorsheyaashii  tuugada iyo  musuq maasuqa ku dhisanaa ee loogu talo-galay   in wax lagu xado, iyada oo food saaro laga dhiganayo  baahida Idaacada cusub. Kaasoo sida ku cad xaashidii ka soo baxday xafiiska wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee aynu  tirsigeeda iyo taariikhdeedaba ku aragnay qormadii  hore. La doonayey  in lagu lunsado  lacag dhan $242,243.

Hadaba si aad wax uga ogaataan xaqiiqada dhabta ah ee sababtay khilaafka warfaafinta iyo xil ka qaadida wasiir Boobe. Waxaan  door biday in aan sii wado faah faahinta iyo ka waramida qorshaha musuq maasuqa ku  dhisan ee loo dejistey in iyada oo lagu gabanayo idaacada cusub lagu xado lacagta kor ku xusan.

Hase ahaatee inta aanan taas gudo gelin aan idiin horaysiiyo in aanu musuq maasuqa warfaafintu ahayn mid la odhan karo waxuu la kowsaday soo magacaabidii wasiir Boobe. Waxaase jirta in Wasiir Boobe markii ugu horeysay ee uu Wasaaradda yimiba ay si wanaagsan jaanta isula heleen xubno ka mid ah masuuliyiintii uu wasaaradda ugu yimi. Gaar  mid ka mid ah saraakiishii maamulaysay xafiisyada maamulka iyo lacagta. Kaas oo  aan jeclayn in aan halkan ku magacaabo. Hase ahaatee aan idiinku tilmaami karo oo keliya. Waa ninka qudha ee uu Boobe had iyo jeer qoraaladiisa ku difaaco.

Kaas oo ah nin muddo dheer ku dhex jirey shaqada xafiisyada maamulka iyo lacagta, isla markaana ay shaqaalaha warfaafintu ku tilmaamaan nin ku xeel dheer hawlaha la xidhiidha musuq maasuqa iyo wax is weydaarinta. Sidaas darteed wasiir Boobe iyo ninkaas sarkaalka ah waxaa dhex maray saaxiibtinimo gaar ah iyo xidhiidh aad u dhow. Xidhiidhkoodaasna masuuliyiinta kale iyo guud ahaanba  shaqaalaha kala duwan ee wasaaraddu waxay  u arkayeen in uu ahaa mid cidhib ku lahaa musuq maasuq iyo gacmo isweydaarsi. Ileyn waa tii hore loo yidhi “Gacmo is dhaafay ayay galladi ka dhalataaye”.

Si kastaba ha ahaato’e, iyada oo uu xidhiidhkaasi jiro ayaa waxaa dalka timi idaacaddii cusbayd ee radio Hargeysa. Sidaas darteed Boobe iyo saaxiibkii waxay markiiba is tuseen in imaanshaha idaacadda cusubi tahay fursad mar la arag ah oo ay ka samayn karaan lacag kumanaan kun oo dollar  ah. Maadama ay dareemi karayeen in ay jirto baahi xoog leh oo qaran ahaan loo qabey hirgelinta idaacadda. Taas awgeedna ay xukuumadu ku khasban tahay bixinta kharash kasta oo ay ku kacayso hirgelinta idaacaddu. Ka bacdina iyaga oo arintaas ka duulaya, ayaa waxa ay waraaq deg deg ah u qoreen  Madaxwaynaha Jamuriyadda Somaliland.

Warqaddaas oo ay  ujeedadeeda ku tilmaameen baahida hadhsan ee idaacadda cusub. Waxa ay ku sheegeen in idaacadda cusubi u baahantahay in loo iibiyo mishiino iyo qalab aad u tiro badan oo aan run ahaantii loo baahnayn. Sidaas darteedna waradaas waxay  Madaxweynaha kaga dalbadeen  in si deg deg ah loo siiyo kharashkii alaabtaas lagu soo ibin lahaa,  oo ay sheegeen in uu ku kacayo lacag dhan USD 242,243 (Laba boqol iyo laba iyo afartan kun, laba boqol iyo sadex iyo afartan dollar).

Markaas dabadeedna intii ay  madaxtooyadu ku hawlanayd diyaarinta lacagtii ay soo dalbadeen. Ayaa waxay ku dhaqaaqeen in ay la xidhiidhaan  dad ku sugan magaaladaDubaiee Imaaraadka carabta. Kuwaas oo ay ka codsadeen in ay

u soo qiimeeyaan qaar ka mid ah  qalabkii ay sheegeen in idaacadu u baahan tahay.  Qalabkaas oo ay doonayeen marka ay qiimahiisa ogaadaan ka dib in au dirtaan cidii u soo iibin lahayd.  Arinta cajiibka ahayd ee u baahan in hoosta laga xariiqo ayaa waxay tahay  in xilliga ay  Boobe iyo saaxiibkii Madaxweynaha u qoreen warqadda ay ku dalbadeen ahayd, ka hor intii aanay ogaanin alaabta ay sheegeen in idaacaddu u baahantahay qiimaheeda.

Hase ahaatee dadkii ay u dirteen in ay alaabta u soo qiimeeyaan wax ku adkaatay in ay u soo ogaadaan qiimihii alaabta. Sababtoo ah waxaa la fahmi kari waayey  qoraalkoodii ku saabsanaa macluumaadka alaabta ay u baahan yihiin. Taas aawadeed loogu soo war celiyey  si faah faahsan u soo sheega macluumaadka (specifications-ka)  alaabta.

Taasina waxa ay khasab kaga dhigtay in ay la xidhiidhaan Agaasimaha Waaxda Farsamada ee wasaaradda Mr Axmed Saleebaan Weyne, oo ahaa markeeda hore hawsha ay isku koobeen ninkii masuuliyadeeda lahaa. Balse ay ka qarsadeen, maadama doonayn in lala ogaado waxa ay wadaan. Hase ahaatee xidhiidhkiisa markan way ku khasbanaayeen, maadaama ay aqoontiisa u baahdeen.

 La soco……………………….