Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa ~ “Boobe Yuusuf Ducaale” – Qormadiisii 31aad

Ma aan jeclayn in aan ku dheeraado Qormooyinkan danbe, oo gebagebo ayaan iska taagnaaba. Bal se, xusuusta ayaa hadba meel xadantaynaysa, markaas ayuu dareenku u hollanayaa tuducyadii Hadraawi ee tawsta iyo tabaalahaa ku mudnaa. Waxa kugu soo dhacayaa tuduc ahaa:

“Hinji qalinka nabaryahow,

 Hohe! Leebka igu mudan,

 Waxba hawla kala hadhin,”

Halkaa halkeedii ayaan taaganahay ee nin kastaa candhuuftiisa dib ha u liqo. Markii uu ‘Hanti-dhowraha Guud’ daf na soo yidhi isaga oo aan waxba I ogeysiin Wasiir ahaan, waanu iska garannay in uu jihaysan yahay sidii uu beryaha qaar ahaan jiray.

Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012ka ayaa Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Xisaabaadka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka lagu xidhay Saldhigga booliska ee Kood-buur. Xasan Maxamuud markan la xidhayo, lagama kaxayn xafiiskiisa iyo suuqa midna, bal se iyada oo lagu wareysanayo xafiiska Hanti-dhowraha Guud ayaa lagu yidhi, sidii dhaqanku ahaa, halkan ha ka bixin. Goor ay saacadihii reebbanaa iyo xilliyadii wax-saareenka ahayd oo ay malaha 2.00 duhurnimo saacaddu dhaaftay ayaa loo sheegay in uu xidhan yahay. Saldhigga Kood-buur in lagu xidhi ayaa qudheedu malahayga sama-fal ayay ahayd oo reerka iyo ehelkaba u dhaweyd.

Sidii dhaqankeennu ahaa odayaashii iyo Xil-dhibaannadii gobolka Awdal ayaan u kala hadhin oo habeenkii oo dhan raadinayay Hanti-dhowraha Guud, bal se il iyo baal ma ay saarin oo waa uu ka dhuuntay tilifoonkiina waa uu ka xidhay. Illeyn ma ay sii deyn karayn e’, waxay is-lahaayeen bal in dammiin lagu sii deyn karo. Habeennadii kheyrka ee Ramadaan ayay ahayd, oo habeenno la is-hantaaqo oo la is-hagardaameeyaba ma ay ahayn. Waa ninkii Ilaahay solansiiyo. Qolo kale oo ay ahayd in ay Xasan Maxamuud u gurmataana, Ilaahay mahaddii ayay taagnaayeen oo waxay la meeraysanayeen ciddii ay ku beddeli lahaayeen. Hadda arrin sahlan ha u qaadanina, waa arrin jirtay oo in badan agtayda lagu dhuftay, dad aanu sheeko-wadaag lahaynna lala soo qaaday si ay si dadban iigu soo gudbiyaan. Waanay dhacday. Ilaahay ceeb ha sturo.

Xasan Maxamuud, 5/8/2012ka ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la hor geeyay, waxaana lagu sii daayay dammiin uu ilaa maantadan aynu joogno ku jiro. Hadda waa ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/11/1012ka. Bal ka warrama?

Markii Xasan Maxamuud dammiinka lagu sii daayay, Hanti-dhowraha Guud wuxu u soo qoray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta warqad sidii taararkii xilliyadii Ingiriiska u qoran oo wada far waaweyn (capital) ah oo uu ku sheegayo: Lacagta Xasan Maxamuud loo haysto oo ku dhaweyd 300.000.000 Sh/S/L iyo sanaati warqadaas oo ay soo qoreen 1/8/2012ka. Waxay intaa soo raaciyeen in Xasan Maxamuud laga wareejiyo xilkii Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka ee uu hayay. Hadda nimankii baadhista bilaabay 30/7/2012ka, ayaa markiiba helay qaladkii-xisaabeed ee jiray oo ciddii mas’uulka ka ahaydna xidhay. Alla nimanku belaayaysanaa ma ‘FBI-dii’ baa mise waa ‘Scotland Yard-tii’ Ingiriiska ee laga yaabay. Hadda ninka sidaa loo soo eedaynayaa, weli dammiinkii ayuu ku jiraa afar bilood ka dib. Ma deyrkii Maka ayaanu gubnay haddii aanu nidhaahno, waxba lama baadhayn ee in Xasan Maxamuud shaqada laga saaro keliya ayaa Maxamuud Dheere loo soo diray, mana aha ceebtii ee waa caadadii.

Intaa hore waxbaba ma aha ee bal tan nala dhandhamiya:

Xasan Maxamuud, rummaankii ugu horreeyay wuxu ahaa 31kii bishii Juulay ilaa 14kii bishii Sebtembar 2012ka, waana 45 maalmood oo ahayd intii xaqa loo lahaa in dacwad lagu keeno, ma se ay dhicin. Hanti-dhowraha Guud wuxu korodhsaday 45 maalmood oo kale oo ka bilaabmaysay 15kii Sebtembar ilaa 28kii Oktoobar. Halkaa waxa ku dhammaday sida la ii sheegay 90kii maalmood ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xaqa u lahayd.

Intaa lagagama hadhin. Markanna Hanti-dhowraha Guud wuxu u biyaystay Maxkamadda Racfaanka oo uu ka dalbaday 30 maalmood oo dheeraad iyo korodhsiimo ah oo ka bilaabmaysay dhammaadkii bishii Oktoobar, 2012ka.

Ma maqli jirteen: “Ma annagaa waalan, mise Cadan baa laga heesayaa?” Bal miskiinkan yare e la moodo in aanu beni-aadamba ahayn ee uu seylad xoolaad dhex joogo eega. Xasan Maxamuud haddii uu eed ka galay hantidii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta maxaa lala sugayaa oo Maxkamad loo geyn waayay?

Maansadii Shiinleyda ee Cabdi Iidaan Faarax ayaa waxa ku jiray beyd ahaa:

“Shuf u dhimo nin ragi waa geyaa, sharafna nooloow,”

Xasan Maxamuud, geeri iyo nololba xaq ayuu u leeyahay, laakiin waxaan qabannin oo aan muwaaddin kasta qaban summadda qoorta loo geliyay 31kii Juulay ilaa maantana ka lulata ee milgaha iyo sharafta muwaaddinka meel-ka-dhaca ku ah. Xasan Maxamuud waxa qortiisa sudhan summad baas oo far waaweyn ku qoran oo ah “EEDEYSANE’.

Xaaskiisa, saaxiibbadii iyo intii la shaqayn jirtay ayaa subax kasta iyo mar kasta oo ay arkaanba weydiiya goorta ay marxaladdan kala-guurka ee eedeysanuhu dhammaanayso. Waxaa lay weydiiyaa goorta uu is-barraxayo ama xabsiga gelayo si Qaranku uga guto eedaha uu galay. Saaxiibbadii iyo tolkii ayaa arka. Shacbiga ayaa guud ahaan arka, oo maalinba maalinta ka danbeysa sii rumeysta in uu ‘DENBILE’ noqon doono oo ay ku caddaan doonto maalin aan fogeyn. Miyaanu muwaaddin xuquuq dalka ku leh ahayn?

Kaaga daranta, markan Hanti-dhowraha Guud, warqadda uu ku codsanayo shaqo-ka-joojinta Xasan Maxamuud, oo malaha dardaaranka uu qabay ahaa in uu Agaasimaha Guud la xidhiidho oo aanu wasiirnimaydadaba aqoonsanayn, lacagta Xasan Maxamuud lagu soo eedeeyay waxay dhammayd 300.000.000 sh/SL ah iyo sanaati.

Laakiin waxa aydaan ogeyn markii Xasan Maxamuud Maxkamadda la geeyay lacagta lagu soo eedeeyay oo dhammayd 927,725,500 Sh/SL. Wax lala yaabo ma aha in uu ‘Hanti-dhowraha Guud’ tiro kale oo lacageed ku eedeeyay Xasan Maxamuud  oo uu u gudbiyay Madaxtooyada.

Sidaa ay tahay ayuu weliba Xasan Maxamuud buro sidaa oo inta ka liidata ee Hanti-dhowraha Guud eedeeyay ku odhanayaan:

“Bal ninkaad u tahay deni,

 Iyo Xaaji soo degay,

 Saadaasha kugu daray,

Is-na tiisa daymood,”

 (La soco……………………………………….)