Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa: “Boobe Yuusuf Ducaale – Qormadii 33

Boobe Yuusuf Ducaale

Aniga oo ku dhex jira soo-ururintii taxanahaygan kooban (Re-cap), ayuu ila taraaray Qodobkii Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud. Run ahaantii waa qodob xiiso leh oo mudan in lagu talax-tago, maxaa yeelay Hay’ad ay ahayd in ay u adeegto maamul-wanaagga ayaa laga yaabaa in loo adeegsaday maamul-xumaynta iyo khal-khalinta hay’adaha Qaranka. Immisa sannadood ayaan xisaab-xidh lagu samayn Miisaaniyadda Qaranka? Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda immisa bilood ayaa lagu hayay Imperial Hotel? Hadda waxyaabihii ugu mudnaa ee lagaga caban jiray xukuumaddii hore waxa ugu mudnaa xisaab-xidhka? Maanta maxaa lagu illoobay? Mise awrka ayaa lagu kacsanayay.

Xukuumadda maanta dalka ka jirta waxa la gudboon in ay dib u eegto hawl-galka Hanti-dhowraha Guud inta aanu dal iyo dadba la amban oo aan meel dheer la inaga doonin. Hay’adda Hanti-dhowrka iyo inta ka hawl-gasha ayaa u baahan badbaadin iyo xil-gudashadooda oo dib loo habeeyo, sumcaddoodiina loo soo celiyo.  Waxaynu u jeednaa ma aha cay iyo dhaleecayn. Haa….Waa laga yaabaa in ay dadka qaarkii sidaa ugu muuqato, innaga xaggeenna se waa badbaado iyo daryeelka, dad iyo dal u baahan horumar iyo nabadgelyo buuxda oo waarta. Waxaynu u jeednaa sidii aynu caddaalad ijtimaaci ah oo aynu u siman nahay u heli lahayn.

Maanta intaa aan kaga hadho, aniga oo ku rajo weyn in aynu waqtiyo danbe fursad intan ka badan isu heli doonno, haddii Eebbe inagu simo.

Maxaanan Qormooyinkan taxanahaa ahaa ee kooban uga gol lahayn ama uga jeedinba:

Aan soo xigto oo ballaysin uga dhigo qaybtan, tuduc uu lahaa Macallinkii halgamaaga ahaa ee ku caan-baxay run-sheegga iyo xaq-u-dirirnimada, Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye. Sow kii lahaa:

“Wallee qalin-daraalaha

 Denbi Qaranka laga galay

 Kama qariyo wadhatada.

 Wallee qoonta mililka leh

 Qaarka sare ma dhay-dhayo”.

 

Sida dadka qaarkii oo aad iyo aad u koobnaa ay kaga soo fal-celiyeen Qormooyinkan taxanaha ahaa ee koobnaa ugama aan jeedin:

  • In aan cid gaar ah ama qof gaar ah, xilka uu doonaba ha hayo e’ ku eedeeyo ama dhaleeco uga dhigo,
  • In aan ku gudbiyo ama ku faafiyoba wax ay ummaddan iyo Qarankani gaar u leeyihiin,
  • In aan ku cadho-burburo ama ku aar-goostaba, waayo xil-ka-qaadista wax ceeb ah uma haysto, umana haysan, umana haysan doono mustaqblka, Madaxweynuhuna waxba I ma yeelin ee in uu ii naxariistay ayaan u qabaa oo uu weliba I qiimeeyay,

Waa ayo dadka inta badan nebcaysta ama aan jeclaysan qormooyinka noocan oo kale ah:

  • Dad aan jeclayn in runta la sheego ama xukuumaddaba la tilmaamaba,
  • Dad aamminsan in ay ummadda inteeda kale ka xigaan Xukuumadda, oo aan si maan-gal ah u caddayn karayn sababta ay dadka uga xigsanayaan. Hadda weliba sidaa ay tahay wax sad-bursiimo ah oo ay difaacaa ku qabaan ma jirto,
  • Dad Xukuumadda dano gaar ah ku qaba oo dalka iyo dadka intiisa kale aanay waxba ka gelin,
  • Dad dawladda amah ku leh ama wax kaleba ka naawilaya,
  • Dad xilal haya oo haddii ay u rixiyaan (xagliyaan ama jeclaystaanba) Qormooyinkan taxanaha ahaa ee kooban ka baqaya in shaqooyinkooda loogu yimaaddo,
  • Dad aan aqoon ku filan lahayn oo intaa aynu kor ku soo sheegnay ku cabsi geliso, sirtii dawladda ayaa bannaanka la soo dhigayaa,
  • Intaa waxa dheer daan-la-roortii, intii dalqada indhaha ku lahayd ee sidii gorgorrada geedaha dul fadhiday,
  • Inta jabka iyo halaagga ummadda diillaasha ee ka dhigta wax ay ‘Mashruuc’ u yaanniin,
  • In xasadka iyo xiqdigu uurkooda biyo-dhigeen oo hinaase la duuban ama ku fal-celisaba. Waa dad iska bukaan-socod ah,

Intii aan Qormooyinkan taxanaha ahaa ee kooban qorayayba dhallinyaradu aad ayay ii la soo xidhiidhaysay. Waxa jiray qaar doonayay in ay Qormooyinkani joogsadaan oo u arkayay in SIR dawladeed la faafinayay. Waxaan si la yaab leh uga helay wiil dhallinyaro ah oo maalin e-mail ii soo diray, isaga oo u jawaabayay kuwa ku andacoonaya in SIR dawladeed la faafinayo ayuu iyagii soo weydiiyay su’aal ahayd: MA SIR DAWLADEED baa mise waa WAA SILIC DAWLADEED. Hoosta ayaan ka xasuustay tuduc Deelleeydii Dheeg ku jiray oo ahaa:

“Dalka waan ka quustee,

 Dunida show rag baa nool,”

Aan marka horeba is-barraxo. Intii aan idiin soo baahinayay Qormooyinkaa taxanaha ahaa ee koobnaa, marna idiin ma soo qorin wax SIR dawladeed lagu sheego ama lagu tilmaamaba.

Marna idiin kagama sheekayn, idiin mana soo qorin wax ku saabsan ama loo aaneeyaba:

  • Gantaalo riddada dhexe ah oo Somaliland ugu rakiban meelo istaraateji ah oo ay cadawgeeda kaga toogato,
  • Qaacidad ama qormo-sin (formula) Somaliland leedahay oo ay ku samaynaysoo dawo aan nooceeda hore loo arag,
  • Dayax-gacmeed Somaliland hawada sare u ridayso oo ku rakiban bananka: Xadeed, Geeriyaad, Qool-caday, Ban-cadde, karamaan ama bananka kale ee dalka intiisa kaleba ku yaal,
  • Ciidammada Qaranka ee kala duwan iyo xog ku taxan arrimahooda,
  • Wax Qaranka Somaliland ugu suntan SIR ama dokumenti qarsoodi u ah,

In badan ayaan wax qorayay, waxaanan halkan ka caddaynayaa in ay Qormooyinkani ahaayeen kuwii iigu xiisaha badnaa ee noloshayda ii soo mara. Waxay ahaayeen:

  • Kuwii ugu akhriska badnaa,
  • Kuwii ugu danaynta iyo xiisaynta badnaa,
  • Kuwii ugu fal-celiska badnaa,
  • Kuwii ugu faafidda badnaa,
  • Kuwii ugu keydinta badnaa, oo dadku iyaga oo aan iga fasax qaadan ayay Qormada ay helaanba fayl ama gal gashanayeen,
  • Kuwii iigu tilifoonka iyo e-mailka badnaa, marka aan eego intii aniga la ii soo diray iyo faallooyinkii soo  galay mareegtayda www.dharaaro.com iyo facebook-ga,
  • Kuwii ugu badnaa ee ay dadweynuhu iga codsadaan in aan buug uga dhigo,
  • Kuwii ugu badnaa ee ay bulshada Somaliland meel ay joogtaba akhriskeeda ka sinnayd,
  • Kuwii ugu mudnaa ee la tix-raaci kari waayay isla markaana laga jawaabi kari waayay ee intii lagu dhalliilayay ku hafatay,

Tilmaamahan aan kor ku taxay maxay ku yimaaddeen ama sabababba u ahaa, siday ay ila tahay?

Intaa iyo in kale waa inoo berri haddii Eebbe inagu simo.

(La soco…………………………………..)