Magacaabista Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye Oo Badka soo dhigtay Khilaaf Huursanaa oo u dhexeeyey Xisbiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo uu dhawaan Magacaabay Guddoomiyaha Xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo shaac bixiyey qorshe siyaasadeed huursanaa oo xubno wasiirro ahi ku doonayeen inay ku maroorsadaan soo xulista guddiga, ka dib  markii  ay xubnahaasi magacaabistooda guux  ka keeneen.

Xubnahan Wasiirrada ah ee magacaabista guddidani aybadka soo dhigtay damacooda siyaasadeed, ayaa la rumaysan yahya inay yihiin shakhsiyaad uu damac kaga jiro sidii ay uga mid noqon lahaayeen Murashaxiinta hoggaanka xisbiga.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo u warramay shabakadda Somalilandpost.net, xubnahan Wasiirrada ah oo ay ka mid yihin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sas ka muujiyey guddiga qaban-qaabada Shirweynaha xisbiga ee Guddoomiyaha xisbigu Magacaabay, iyaga oo u arka inay caqabad ku noqonayaan qorshahooda la xidhiidha inay shirweynahaas ku shaaciyeen damacooda siyaasadeed ee loollanka hoggaanka Kulmiye.

Magacyadda Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye ee Guddoomiye Muuse Biixi magacaabay, ayaa kala ah:

1-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

2-Xildhibaan Saleebaan Bukhaari

3-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa

4-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi

5-Xildhibaan Ibraahim Kacaan

6-Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

7-Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

8-Cumar Dixood

9-Xasan Gaafaadhi

10-Cabdi Giire

11-Axmed Xuseen oomane

12-Abuubkar Xaamud Jibriil

13- Faarax Xadhigle

14- Mustafe Faarax Dhoore.

Si Kastaba ha ahaatee, in kasta oo hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo dhowaan warbaahinta la hadlay ay shaaciyeen inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Xukuumadda iyo xisbigeeda, haddana damaca iyo ismaan-dhaafka siyaasadeed ee ka soo if-baxay xubnahan wasiirrada ah, ayaa la odhan karaa waxa ay hor-dhac u yihiin qarax-siyaasadeed la cabsi qabo inuu ka dillaaco marka uu furmo shirweynaha Xisbiga talada haya oo loo furitaankiisa loo muddeeyey dabayaaqada bisha December ee sannadkan.

Somalilandpost.net/Hargeysa