Magaca Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay Isku-qarxiyey Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa laba qof oo shalay qarax is-miidaamin ah ka fuliyey meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen 13 qof.

Sida ay shaacisay kooxda Al-Shabaab, ninkan oo hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2004 ilaa 2010, da’diisuna tahay 53-jir ayaa lagu magacaabaa Saalax Badbaado.

xildhibeenSaalax badbaado ayaa wakhtigaas shir-jaraa’id oo uu qabtay ku shaacisay inuu ka baxay dowladda isla markaana ku biiray kooxda Al-Shabaab, sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee AFP.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay masuuliyadda Laba qarax oo Salaasadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsanayeen Fadhiisimada ay magaaladaas ku leeyihiin Xoogagga Midowga Afrika.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa la aaminsan yahay inay ku jiraan Askar ilaalo ka ahayd goobo gaadiidka lagu baadho.