Magaca Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo lagu dilay Deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool

Hargeysa (SLpost)- Askari ka tirsan Ciidamada Qaranka ee fadhiisan ku leh magaalada Saaxdheer ee gobolka Sool, ayaa Isniintii shalay toogasho lagu dilay gudaha magaaladaas, ka dib markii dablay ka tirsan kooxda Nabad-diidka ee la baxday Khaatumo ay ku toogteen duleedka Bari ee magaalada.

Alle ha u naxariistee Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Liji, ayaa ka tirsanaa guuto Ciidanka Qaranka oo dhowaan fadhiisin ka samaystay duleedka magaalada Saaxdheer ka dib markii magaaladaas laga saaray Kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeydh dabayaaqada bishii siddeedaad ee sannadkdan, wakhtigaas oo munaasibad Caleemo-saar ah loogu samaynayey Prof Galaydh oo kooxdaasi u dooratay Madaxweyne.

saaxdheerAskariga toogashada lagu dilay oo ka tagay fadhiisin ciidanku ku leeyahay duleedka magaalada, ayaa la sheegay inay kooxda dableyda ahi dhexda u galeen wakhti uu ka soo laabtay magaalada oo uu muraadsi u tagay, isla markaana ay halkaas ku toogteen.

Sida ay tibaaxeen wararka aanu ka helayno deegaankaas ee dhacdadan la xidhiidha, waxa isla markiiba gudaha magaalada Galaydh cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo lagu war-geliyey weerarka kooxdani ku qaadday magaalada, waxaanay isla markiiba baaxsadeen oo magaalada ka saareen kooxda Shuftada ahayd ee magaalada weerarka ku soo qaadday, waxaanay goobtii ugu tageen Meydka Askariga ka tirsanaa Ciidanka Qaranka.
Warku waxa uu intaas ku daray in dagaal dhexmaray kooxda Dableyda oo ay ka daba-tageen, lama garanayo khaaare ka dhashay is-rasaasayn xooggan oo muddo saacado ah ka socotay dhinaca Koonfureed ee magaalada.

Ilaa immika taliska ciidanka Qaranku kama hadal dhacdadan, haseyeeshee deegaanka Saaxdheer waxa tiraba dhowr jeer dagaal ku dhexmaray ciidanka Qaranka iyo malleeshiyaadka la baxay Khaatumo ee uu hoggaamiyo Prof Cali Khaliif Galeydh oo marti ku ah gudaha xuduudka dalkaasi Itoobiya, ka hor intii aan magaaladaas laga saarin isaga iyo malleeshiyaad uu watay.

Dagaalkii u dambeeyey ee deegaankaas ku dhexmara Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaadka, ayaa sababay khasaare dhaawac iyo dhimasho isugu jirta oo kala gaadhay labada dhinac, waxaana ciidanka Qaranka dagaalkaas kaga dhaawacmay laba Askari, halka dhinaca kale la gaadhsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

SOMALILANDPOST.NET