Magaalo Soomaaliya ku taala oo laga Diiday Ismicmaalka Noodhka Halka Dollar ee Lacagta Maraykanka iyo Sababta Keentay

Beledweyne (SLpost) Todobadyadii ugu danbeeyayba shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee badhtamaha dalkaasi Soomaaliya, waxaa ay si weyn ugu jah-wareersanaayeen isticmaalka lacagta Halka doolar ah kadib markii ay diideen inay qaataan sariflayaasha magaalada.

NewsArrintan oo saameyn adag ku yeelatay guud ahaanba qeybaha bulshada, ayay ku micneeyeen sariflayaasha in laga soo diiday shirkadaha xaawaladaha, sidaa daraadeed aanay jirin sabab ay iyaga u qaataan.

Laakiin maamulaha shirkada xawaalada Dahab-shiil ee gobolka Hiiraan Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in shirkadda Dahab-shiil aanay marnaba is hortaagin qaadashada lacagta $ 1 ka doolar ah.

”Annaga shirkad xawaalad ayeeynu nahay lacagaha aan bixino ee dadka loo soo dirro waxaa mar marka qaar soo galllaya lacago jajab ah oo uu hal doolar ka mid yahay waan bixinaa, sidoo kalana haddii xawilaad dadka noogu keensadaan waan ka qaadanaa oo kuma celino, waayo annaga ayaaba bixina sabab aan u diidno meesha kumaba jirto,”ayuu yiri Xaaji Cismaan Dhagaxoow.

Mar wax laga weydiiyay maamulaha waxa ka jira wararka sheegaya in lacta halka doolar ah lagu farsameeyo magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in arrintaa aanu ka war-qabin, laakiin shirkada Dahabshiil ee uu mas’uulka ka yahay si toos ah u bixiso una qaadato lacagta halka doolar ah.

”Lacagta waa la ciladeyn karaa, waa  la dhihi karaa lacagtan sax ma’aha, waa lacag jeexan, wey jilcan tahay iyo wixii la mid ah, laakiin cid diidi karta ma jirto lacag rasmi ah oo aan wax cilad ah laheyn cadadkey rabtaba hala ekaato,” ayuu yidhi maamulaha shirkada Dahab-shiil.

Shacabka magaalada iyo sariflayaasha lacagaha qalaad ee Beledweyne ayaa maalmihii ugu danbeeyay siweyn isugu maan-dhaafsanaa qaadashada lacagta halka doolar ah, taasoo ka yaabisay in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Lama oga waxa iska bedalli doona mowqifka sariflayaasha magaalada Beledweyne, kadib hadalkan ka soo yeedhay maamulka shirkada Dahab-shiil ee gobolka Hiiraan.

XIGASHO: HOL