Magaalada Nairobi oo laga Halw-galiyey Mishiinnada Kabaha Baalasheeya

Nairobi (SLpost)- Ganacsade u dhashay dalka Kenya, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas ku soo bandhigay mishiinkii u horreyey ee loo isticmaalo baalayshka Kabaha oo lagu farsameeyey gudaha dalkaas.

SHOE_BOLISHINGGanacsade Kinyua Gichuhi oo horraantii sannadkan sameeyey mishiinkan kabaha baalasheeya, ka dib markuu hore ugu guul-daraystay sannadkii 2007 oo uu isku dayay, ayaa mishiinnadiisa ka hawl-galiyey toban goobood oo ku yaala magaalada caasimadda ah Nairobi, waxaanu qorshaynayaa mustaqbalka inuu ganacsi ahaan ugu dhoofiyo aaladdan waddamada deriska ah.

Mishiinkan ayaa qofka doonayaa waxa uu ku ridayaa Shilinka lacagta Kenya, waxaanu hoos-dhigayaa kabihiisa meel loogu talogalay baalashaynta kabaha, balse Mr. Gichuhu ayaa sheegay in mishiinkani wakhtigan ku shaqeeyo labada midab ee madowga iyo casaanka.

Mr Gichuhi oo dhaqaale gaadhaya 4 Milyan oo lacagta Kenya ah ku kharash-gareeyey mashruuca uu ku soo saaray mishiinnadan, ayaa sheegay in qorshahiisu yahay sidii mishiinka loogu adeegsan lahaa dhinaca xayeysiiska inta uu qofka macmiilka ah u nadiifinayo kabihiisa.

“Waxaan qorshaynaynaa inaan ku soo kordhino dhinaca xayeysiiska iyo farriimaha, si bulshadu dareenkooda u qabato muddada baalashayntu u socoto,” ayuu yidhi Mr Gichuhi

 

SOMALILANDPOST.NET