Magaalada MAKKAH oo yeelanaysa Hoteelka ugu weyn Adduunka iyo Xaddiga Lacagta ku baxaysa (DAAWO SAWIRRO)

Makkah (SLpost)- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa daboolka ka qaadday Qorshe magaalada barakaysan ee Makkah ay kaga hirgelinayso Hoteelka ugu weyn adduunka, kaas oo loogu talo-galay inuu hoy u noqdo Muslimiinta Adduunka ee soo gudanaya Waajibka Xajka.

Hoteelka oo magaciisa lagu sheegay Abraj Kudai, waxa laga dhisayaa Meel ku dhow Masaajidka Xaramka, waxaana la qorsheeyey inuu noqdo 12 Sarood oo layska bar-bar dhisay, balse dhisme kaliya isku ah, iyadoo Sar kastaaba ka kooban tahay 44 Dabaq oo isa saaran, waxaanay guud ahaan tirada Qolalka uu ka kooban yahay Hotelku noqonayaan 10,000 (Toban Kun) oo Makhsin.

HOTEL
NAQSHADDA HOTEELKA – 1

Dhismaha Hoteelkan oo hadda socda, ayaa ku fadhiisanaya dhul baaxaddiisu dhantahay 4.6 Milyan oo Fuudh, waxaana la filayaa in la dhammeystiro horraanta sannadka 2017, sida ay sheegtay shirkadda gacanta ku haysa dhismihii lagu magacaabo Dar Al Handasah, taas oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Hoteelkan Cusub oo la qorsheeyey in xadhigga laga jaro sannad iyo badh kaddib, ayaa la filayaa inuu meesha ka saaro cidhiidhiga xagga Hotellada xilliyada ay Muslimiinta Waajibaadka Xajka u tagaan Magaalada Makkah oo sannadka kasta ay booqdaan muslimiin tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 15 Milyan.

NAQSHADDA HOTEELKA - 2
NAQSHADDA HOTEELKA – 2

 

Mashruuca dhismaha Hoteelka oo la sheegay inay ku baxay Lacag ka badan 3.5 Bilyan oo Dollar, ayaa loogu talo-galay in laga sameeyo 70 Maqaaxiyaha laga cunteeyo, Meherado ganacsi iyo dhammaan adeegyada kala duwan ee Dadka Xujaajta ahi u baahan yihiin.

Abraj Kudai, ayaa marka laga dhammeystiro noqon doona hoteelka ugu weyn adduunka, waxaanu kaalinta koowaad kala wareegi doonaa hoteelka ugu weyn adduunka wakhtigan oo lagu magacaabo Venetian and The Palazzo oo ku yaala magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka, kaas oo ka kooban 36 Dabaq iyo 4,059 Qolalka Caadiga ah iyo 4,049 Qol oo ah nooca isugu jira Fadhiga iyo Hurdada.

Venetian and The Palazzo - Hoteelka wakhtigan ugu weyn adduunka
Venetian and The Palazzo – Hoteelka wakhtigan ugu weyn adduunka