Magaalada Hargeysa oo laga furay Hotel Casri ah oo leh Adeegga Dab-demiska oo u gaar ah

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta laga furay isla markaana xadhigga laga jaray Hoteel Casri ah oo leh Dab-demis u gaar ah, kaas oo noqonaya Hotel-kii ugu horeeyey caasimadda ee loo sameeyo gurmad dab-demis oo uu gaar u leeyahay.

Hotelka oo lagu magacaabo Horizon Hotel, kuna yaalla Degmada Ibraahim Koodbuur, gaar ahaan Xaafadda Jigjiga Yar, ayaa lagu daah-furay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay furitaankiisa, waxaana ka qayb-galay masuuliyiin dowladda ka tirsan, Ganacsato aqoonyahan, madax-dhaqameed iyo Marti-sharaf kale.

Hotelka waxa si Rasmi ah Xadhigga uga jaray Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Sarreeye Guuto Axmed Sawaaxili oo lagu maamuusay maadaama uu Hotel-ka loo sameeyey adeegga Gurmadka ee Dab-demis u gaar ah oo uu kaga duwan yahay Hoteellada kale ee Caasimadda ku yaalla.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose