Magaalada Ceerigaabo oo Markii u horreysay lagu Qabanayo Shir kulminaya Maayarrada magaalooyinka Dalka

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa markii u horreysay muddada 23-ka sanno ah ee ay Somaliland jirto, waxa lagu qabanayaa shir ay isugu imanayaan maayarrada degmooyinka dalka iyo hay’ado caalami ah.

Shirkan oo qayb ah kulan-sannadeed ay isugu yimaaddaan Maayarrada magaalooyinka dalka, ayaa sannadkan loo qorsheeyey inuu ku qabsoomo magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxaana ka qayb-gali doono hay’ado caalami ah oo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka kala shaqeeya mashaariicda Horumarinta.

ceerigaabo_BanaanbaxKulankan oo la sheegay inuu socon doono muddo afar maalmood ah, ayaa laga hadli doonaa arrimo khuseeya dhinaca horumarinta mashaariicda ay fuliyaan dawladaha hoose ee magaalooyinka dalku, sida uu sheegay maayarka magaalada Boorama oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama wakhti uu u diyaar-garoobayay safar uu ugu baxayo magaalada Ceerigaabo.

 “Waxaan u baxayaa safar dheer oo dhinaca Ceerigaabo ah, waxa halkaasi isugu iman doona maayirada degmooyinka dalka iyo hay’ado caalami ah, waxaana uu qaadan doonaa muddo afar maalmood ah, waxaana lagaga wada hadli doonaa arrimo khuseeya dhinaca hormarka degmooyinka,” ayuu yidhi maayarka magaalada Boorama.

Magaalada Ceerigaabo oo dalka intiisa kaga go’doonsan waddo xumo haysata awgeed, ayaa fursaddani u noqonaysaa markii u horreysay ee lagu qabto shir heerkaas gaadhsiisan, waxaanu qorshahani ka mid yahay mid magaalooyinka waaweyn ee dalka sannadkiiba mid lagu qabto shir-sannadeed ay isugu yimaaddaan maayarrada Caasimadaha gobollada dalku.

SOMALILANDPOST.NET