Madexweynaha Somaliland oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada London

London (SLPOST)- Madaxweynaha Jamuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Siweyn Logu Soo Dhaweyey Magalada London.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Safiirka wareega ee Somaliland Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada London ee xarunta Dalka UK.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay Dalka Kenya oo ay ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa sii heer sare ah ugu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee Heathrow Airport masuuliyiin tiro badan oo ka kala socotay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriiska, Masuulyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, saraakiil ka socotay dawlada Britain iyo waxgarad kala duwan oo ku nool dalkan UK.

5555555555555555LONDONMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa aad ugu mahad naqay sida Wadaniyada iyo Somalilandnimadu ay ku dheehan tahay ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga Madaxweynaha.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in guud ahaan Dalka Somaliland uu yahay mid Nabadgelyo ku sugan, isla markaasna haya dhabbihii Horumarka iyo Barwaaqada lagu gaadhi lahaa, shacbiga reer Somalilandna ay yihiin Ul iyo Diirkeed oo dhamaantood heeggan u ah ilaalinta Qaranimadooda iyo Horumarinta Dalkooda. Waxa kale oo uu Madaxwenuhu tilmaamay in ay kulamo Muhiim ah la yeelan doonaan Madaxda sarsare ee dalkan Britain.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaadhay dalkan UK waxaa ka mid ahaa Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Maareeyaha Guud ee Telefishinka Qaranka Mudane Khadar Cali Gaas.

Masuuliyiinta Qaranka ee wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaalada London waxaa ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan, Safiirka Wareega ee Somaliland Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK Mudane Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee UK. Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle.”

Somalilandpost
Hargaysa