“Madaxweynuhu Wuxuu u Tanaasulay Diidmadii Balaadhnayd ee Dadku ay Kaga soo Horjeedsadeen” Boobe Yuusuf Ducaale

 

Hargeysa(SLpost) – xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ku doodayin madaxweyne Siilaanyo teeramkiisa labaad uga tanaasulay maamul xumo la soo daristay dawladdiisa shantii sanno ee uu xilka hayay.

 

Tan iyo markii madaxweyne Siilaanyo Salaasaddii la soo dhaafay shirkii Kulmiye kaga dhawaaqay inuu tanaasulay waxaa isa soo tarayay dadweyne ka soo kala jeeda gobolada dadka oo madaxweynaha ku bogaadinaya inuu teeramkiisa labaad ka tanaasulay, balse Boobe ayaa dadkaasi ku tilmaamay kuwo la soo ururiyay oo la abaabulay.

 

Mudane Boobe, wuxuu ku dooday innaanay madaxweynuhu is sharixi karayn, islamarkaana ay ku adag tahay inuu sanadka hadhay xilka sii hayo. Wuxuu sidoo kale naqdiyay dadka madaxweyne Siilaanyo barbar dhigaya Nelsan mandellihii South Africa oo uu sheegay inaanay meelna iskaga eekayn. Isaga oo sheegay in uu madaxweynuhu markii uu ahaa guddoomiyaha SNM uu mar si sharci darro ah xilka u kordhistay 1986kii.