“Madaxweynuhu Wuu Degan Yahay Ingiriiska, Marti Qaad Rasmiyana Muu Helin…” Xildhibaan Xoog

Hargeysa (SL.Post) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamc (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay safarka uu Madaxweynuhu ku tagay dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay in aanu Madaxweynuhu marti qaad rasmiya ku tagin dalkaas balse  uu xaalad caafimaad u tagay dalka Ingiriiska.

hqdefault2

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamc (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Beesha Caalamka iyo Xukuumadda Somaliland, Isbahaysiga Kulmiye ee ku soo biiray Waddani iyo qodob kale waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya socdaalka Madaxweynaha uu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu degan yahay Wadanka Ingiriiska, marti qaad rasmiyana muu helin, markii uu ka degay Madaarkana dadka waa laga qariyey, dadkii doonayey inay soo dhaweeyaan asqo ayaa loo qaybiyey oo waxa la geeyey meel kale, markaas Odaygu meesha wuu degan yahay Dhakhtarkiisuna wuu jooga oo meesha wuu iska soo eegAa, oo is baadhid caafimaad ayuu odaygu u tagay meesha ayaa la igu yidhi, oo marti qaad rasmiyana kamuu helin.

Weji uma yaalo Beesha Caalamka, Kulmiye iyo Xukuumadan, oo waa kuwii aflagaadaynayey oo gambadhka ugu soo fadhiistay, ee u tirinaayay  Beesha Caalamka, dhabarka ayaa loo soo jeediyey oo u malayn maayo inay cidi la kulmayso, marti qaad rasmiya iska daayo haddii aan la xidh xidhin way ladan yihiin”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milarti ee la sheegay in Xukuumaddani Imaraadka ka siinayso Berbera ayaa yidhi “Anigu lama yaabayo haddii la igu yidhaahdo Xukuumaddan Kulmiye Madaxtooyadii ayey iibisay, waayo ilaa qanjaafulaha ayey cunayaan, ilaa boqnaha ayey calaashanayaan, sababtoo ah waxay marayaan inay iibiyaan in ku dhaw kun guri oo Ingiriisku inoo dhisay, marka maaha wax la qariibsado haddii la yidhaahdo Madaarkii baa la iibiyey, balse anigu ma xaqiijin karo”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Isbahaysiga ku soo biiray Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Isbahaysigu Xisbiga Waddani waxay ku soo kordhiyaan miisaan culus, Isbahaysiguna waa Xukuumaddii Siillaanyo kala badhkeed oo is casliay, oo leh Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Agaasimayaal, shakina kuma jiro in miisaan culus, khibrad, waayo-aragnimo iyo cod intaba ku soo kordhinayaan”

 

Somalilandpost.net