Madaxweynihiii Venezueal, Hugo Chavez, oo Geeriyooday

Madaxweynihii wadanka Venzuela, Hugo Chaves oo muddooyinkii u dambeeyey la ildarnaa xanuunka Cancerka, ayaa shalay galinkii dambe ku geeriyooday cusbitaal Milatari oo ku yaala caasimada dalkaas ee Caracas.

Madaxweyne -xigeenka wadanka Venezuela, Nicols Maduro, ayaa warka dhimashada madaxweynahaas oo da’diisu ahayd 58-jir ka baahiyey telefishanka iyo radiyaha qaranka.

Maduro oo ilmadu ka da’ayso, ayaa ku dhawaaqay in madaxweynohoodii geeridu ku haleeshay cusbitaalka Milatariga ee magaalo madaxda Venezuela ee Caricas , kaas oo lagu dawaynayay tan iyo 18kii bishii February wakhtigaas oo laga soo celiyey wadanka Cuba.

h“Taliye, meel kasta oo aad joogto, waxaad ku mahadsan tahay wax kasta oo aad noo qabatay, ” ayaa kamid ahaa hadalkii madaxweyne-xigeenka, oo ay garabkiisa taagnaayeen, xubno kamid ah golaha xukuumiga ah iyo saraakiisha ugu saraysa ciidamada xooga ee wadanka Venezuela.

Madaxweynaha geeriyooday, Hugo Chavez ayaa talada wadankaas soo hayay mudo 14 sanno ah, waxaana markale dib loo doortay bishii October ee sanadkii aynu soo dhaafnay, laakiin munaasibadii dhaarinta oo dhici lahayd 10-kii January ee sanadkan 2013, wuxuu uga baaqday xanuunka  hayay ee Cancer-ka oo uu la tacaalayay.

Xanuunka Cancerka ayaa lagaga daweynayay 70 cisho wadanka Cuba, waxaana dib wadankiisa loogu soo celiyey 18kii February, tan iyo mudadaasna warka kaliya ee laga hayay wuxuu ahaa, inuu daaweyn u yaalo cusbitaalka ciidamada xoogga ee Doctor Carlos Arvelo ee magaalada Caracas, isaga aanu hadalku ka soo baxayn.

Dad mudaharaadayay ayaa isugu soo baxay magaalada Caracas toddobaadkii hore dhamaadkiisi kuwaasi oo dalbanayay in la siiyo warar dheeraad ah oo ku saabsan xaalada caafimaad ee madaxweynohooda.

Hugo Chavez, ayaan lagu arag meel fagaare ah ilaa markii qalliinka looga sameeyay cudurka kansarka muddo laba bilood ka hor.

SOMALILANDPOST.NET