“Madaxweynihii Shalay lahaa Dhex baan Ahay Markuu Dhinac Noqday ayaan Xilkii Iska Casillay”

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo maanta shaaciyey in uu iska casillay xilkii uu umadda u hayey, isla markaana xubnaha kale ee is casillayna ay aawaddii shaqada uga tageen ayaa ka hadlay sababta uu shaqada uga tagay.

 

Maxamed Biixi waxa uu sheegay in sababta uu isku casillay ay tahay madaxweynaha oo markii hore yidhi dhex baan ahay, laakiin markii dambe taageeray musharaxa ay sida weyn iskaga soo hor jeedaan ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

“Markaan eego xaaladdu sida ay u socoto iyo maanta wararka ka soo baxaya madaxtooyada ee aan la fillayn ee madaxweynihii shallay lahaa dhex baan ahay uu dhinac yahay, waxaan go’aansaday aniga oo dibada jooga in aan hawshayda qabsaddo” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

 

Halkan Hoose Daalaco Warkaas Oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=mWlG6A4k4E8