Madaxweynihii Ma Waxa Uu Noqday Bissadii Soofaha Leeftay?!

Qumanahii maalin qaldamaa,qabashuu yeeshaaye

Dabno quruxsan,qaaxadu madiil,qabar u hoosiiyo

Qafal-marjac aan qaadan talo,quusashaa xigiye

Qubla dhaca qalfoof soo qotoma,qiishan kari maynee

In la qeexo weeyaan shirkaa,qoonsey shicibkiiye

Hadii kale hankii qaribtayoo ma jiro,waxaan ku qawlaaba

Abwaan maxamed shafeec(waa tuducyo kamid ah tixduu sil-silada qaafleyda ah ee  socota kaga qayb galay)

Barri baa waxa jiray islaan ku noolayd xaafad ka mid ah xaafadaha hargeysa,islaantaasi waxay dhaqaalayn jirtay oo kolba hilib siin jirtey bissad yar oo xaafadaha baladi ka ahayd . weelka xaafada ayaa wax lagu siin jiray oo bissadaasi way la qabsatey,hadaba waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah ayay bissadii yarayd u soo alyoom tagtey xagii xaafadii goor ay casar gaaban ahayd. Kadibna markii ay gurigii soo gashay ayay indhaha waxay ku dhufatay hilib dareersin ahaa oo show islaantu muqmad ka samaysanaysay oo  meel kasta wadhan,hasayeeshee waxaa  ugu soo dhawaa ama ay gaadhaysay qaybta ugu badnayd hilibka oo soofe daarada dhex yaalay dul tuulnaa.markaasay ashaqaraar bisadii yarayd ku dhufatay mashaxarad aan codkeeda iyada mooyee cid kale ayna maqlayn,waxaanay intay hoos is kula hadashay shaki la,aan isku qancisay inay maanta tahay markii ugu horeysay ee meeqaamkii ugu sareeyay loo casuumo,kadibna hilibkii soofaha saarnaa ayay si hamuun leh u hirqatay,waxay miliqsataba marba marka ka danbeeya ayuunbuu u sii macaanaadaa,ilaa ay carabka ku murdisay dhiigii uga sii muuqday soofaha.BELLO KU DAGTEY!!show waxan ay macaansanaysayba carabkeedii oo soofuhu lisayay ayuu ahaa ‘in la casuumay ayay cindiga ku haysee waxay goobtii kala carowday carab la,aan oo waxa ka madhiyay soofihii.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Sidaa waxaa maanta ka dhigan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, oo shirkii London ee aad ogaydeen sida shacabka reer Somaliland uga qayliyeen,iyaguna ay lahaayeen waa markii ugu horeysay ee meeqaam sarre lagu casuumo soomaliland,ayay maanta ka naas naasinayaan natiijadiisii. Waxaad hore u ogaydeen in ay wada hadalkii soomaaliya iyo Somaliland xukuumada siilaanyo qaadacdey ,waxa kale oo dhawaan wasiiral khaarajigu laanta afsoomaliga ee idaacada bbc u sheegay inayna Somaliland ka qayb gali doonin shirka turkiga hadaan loo casuumin meeqaamkii shirkii London oo kale. Arintan ayaa shacabka reer Somaliland ugu muuqatay gal-galasho  ay xukuumada siilaanyo kaga gal-galanayso guul-darooyinka siyaasadeed ee bil gudaheed la soo gudboonaadey,iyo shirkii London ee hagardaamadiisa ay huursanaysay, qofkii wax u sheeg yidhaahdana xukuumadan waa laba mid uun in la xidho ama in sidii ina cabdi qaadir laga yeelo,.waxaase lala yaaban yahay maxay tahay karaamada Somaliland ee xukuumadu raadinaysaa ?sowtii karaamadii somaliland ku kitiftay shirkii London. Waxaad kale oo aad ogtihiin in shirkaa London aan la inooga horeyn ee uu badwayn inagu soo faruuray oo maanta kolba suldaan ka mid ah salaadiintii Somaliland xamar u shiraacanayo,iyagoo ku doodaya sowtii xeerkii xakamaynayay la baabiiyey,xukuumaduna ay fasaxday ka qayb-galka shirarka soomaaliya..

Si kastaba ha ahaatee su,aasha maanta  dadwaynaha reer soomaliland maskaxdooda ka guuxaysaa waxay tahay tahay Madaxweynihii ma waxuu noqday bissadii soofaha leeftay ?oo carabkiiba waxuu kaga yimiday casuumadii shirkii London? Waar ma laha hilib soofe saaran ayaa odayada  lagu sooryeeyay? Mooyi!!!, su,aal kale oo hortaala bulshada ree somalilandna waxay tahay hadiiba midka aynu caleemo saarnaaba carab la,aan kala tagayo iyaba waa cibaaree maxaynu yeelnaa? BAL ADBA!!

QALINKII:Cabdikariim M.Cadde

Email:qaamuuskaqarniga@hotmail.com