Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf oo Dirqi Kaga bad baaday isku day dil

Pakistan(SLPOST)  Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ayaa ka bad baaday isku day dil, kadib markii kolonyo la socotay qarax wado dhinaceeda la geliyay lala beegsaday. Qaraxa ayaa dhacay daqiiqad gudaheed markii gaadhiga uu dhaafay, mana jirto wax qasaare ah oo sababay.

download (8)

Mr Musharraf ayaa ku jira Isbitaal Milateri, halkaasoo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay tan iyo markii uu sanadkan bilowday.

Booliska ayaa ku tilmaamay weerarkan inuu ahaa mid la doonayay in lagu qaarijiyo, hase ahaatee uu ka bad baaday.

Qaraxa ayaa la geliyay dhuun hoos marta Biriishka Faizabad Bridge, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, kana yimid Isbitaalka magaalada Rawalpindi.

Pervez Musharraf ayaa dhowr jeer oo hore uga bad baaday isku day dil intii uu xukunka hayay, waxaana haatan loo heystaa dambiyo kala duwan oo isugu jira dil iyo qayaano qaran.

Eedeymaha loo heysta waxaa ka mid ah dilkii qorsheysnaa ee lagu qaarijiyay Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Benazir Bhutto sanadkii 2007-dii.

Mr Musharraf oo 70-jir ah ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, markii la soo taagay Maxkamad, waxaana uu sheegay inay tahay arrimo siyaasadeed.

Musharraf ayaa dib ugu soo lnoqday Pakistan horaantii sanadkii 2013, kadib muddo sanado oo uu ka maqnaa

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland