Madaxweynihii hore ee Nigeria oo ka Warbixiyey Waxyaabo Ka Yaabiyey oo uu ku arkay Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo booqasho ku jooga magaalada Hargeysa, isla markaana kulammo la yeeshay Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale tan iyo shalay intii uu joogay, ayaa ka warramay waxyaabaha uu ku arkay Somaliland, waxaanu sheegay inay u caddaatay in dimuquraadiyadi ka jirto Somaliland.