Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somalia oo kulmay magaalada Dubai iyo Nuxurka War-murtiyeed ay labada dhinac soo wada saareen (SAWIRRO)

[D]ubai (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud iyo Madaxweynayaha Somalia Shariif Sh. Xasan, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shirka Dhexmaray labada madaxweyne oo daba-socday go’aamadii lagu gaadhay shirarkii hore loogu qabtay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa lagaga wada-hadlay sii xoojinta qodobbo hore loogu heshiiyey labada dhinac.

Gabo-gabadii kulanka dhexmaray labada waddan ee Somaliland iyo Somalia, waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban afar qodob oo nuxurkoodu yahay in labada dhinac sii wadaan wada-hadalladooda iyo inay Somaliland muujiso xidhiidhka Somalia haddii dawlad kale beddesho tan hadda Wakhtigeedu sii dhammaanayo ee Soomaaliya iyo inay Labada madaxweyne si caadi iskugu raaceen in la sii wado wada-hadallada labada dhinac

Qodobbada War-murtiyeedkan ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan:

  1. Iyada oo la raacayo war-murtiyeedyadii ka soo baxay shirarkii London iyo Stanbul ee laysku raacay in beesha caalamku taageerto wada-hadallo dhexmaray Dawladda Federaalka ku-meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ama Dawladdii Beddesha) iyo dawladda Somaliland si ay u sii wadaan xidhiidhadooda mustaqbalka, iyo sidoo kale iyada oo la sii ambo-qaaday kulankii labada dhinac ku dhexmaray Chevening House ee duleedka London, Maxweynaha DFKM ee Somalia iyo madaxweynaha Somaliland, ku kulmeen magaalada Dubai oo ay taariikhdu tahay 28 June.
  2. Kulanka waxa martigeliyey Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyada la tixgeliyey Codsiyada labada Dhinac.
  3. Ujeedda kulankan ayaa ah in iyada oo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, inay si Rasmi ah u Dhaqan-galiyaan hannaanka wada-hadallada labada Dhinac ee 20-21 June lagu ku qabsoomay Chevening House.
  4. Labada dhinac waxay isku raaceen sii waditaanka wada-hadalladda, waxaanay isku raaceen in loo ogolaado ergaga labada dhinac, ee madaxweynayaashu Magacaabeen, inay sii wadaan wada-hadallada si loo nooleeyo xidhiidhka labada dhinac.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net