Madaxweyne Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo la kulmay wefti ka socda Hay’ad Samo-fal oo Mashaariic biyo-soo-saarka ah dalka ka wada + SAWIRRO

Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Hay’ada Samo-falka ah ee Al-khayr Foundation oo fadhigeedu yahay wadanka UK.

Weftigan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Al-Khayr Foundation Imam Qasim, ayaa waxay Madaxweyne ku xigeenka faahfaahin ka siiyeen ujeeddada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inay la xidhiidho daba-galka hawlo samo-fal oo ay ugu horayso biyo-soo-saaridda deegaanada Somaliland iyada oo ay hadda gacanta ku hayaan qodidda ceelal dhaadheer iyo biyo-xidheenno ay samaynayaan.

“Hadda waxa la dhamaynayaa oo gacanta lagu hayaa Riig laga qodayo magaalada Gar-adag, waxa kale oo qorshaha ku jirta oo sahan loo diray dhinacyada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, sahankaas oo lagu raadinayo dhulka biyaha laga helayo. Waxa kale oo iminka qorshaha ku jirta oo sahan ku maqan yahay magaalada Jameecaadka iyo magaalada Balli-dhiig,” sidaa waxa yidhi u qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation Axmed Maxamed Ismaaciil oo Madaxweyne ku xigeenka uga waramayay dedaalka ay Hay’adoodu ugu jirto baadi-goobka dhinaca biyaha.

U-qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation oo ka xog-waramayay hawlaha kale ee ay Hay’adoodu waddanka ka qabanayso, waxa uu xusay inay dedaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta dhinaca waxbarashada, waxaana uu tilmaamay in khubaro u dhalatay wadanka UK ay u iman doonaan dalka si ay tababar u siiyaan macalimiinta dugsiyada dalka, arrintaas oo ay ka wada shaqaynayaan wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa weftiga uga mahadceliyay hawlaha samo-fal ee dhinaca biyaha oo uu xusay inay tahay baahida ugu wayn ee taala wadanka. Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku u balanqaaday xubnaha weftiga Hay’addan inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan, isla-markaana ay dhinacooda gacan buuxda ka gaysan doonaan hawlaha samo-fal ee ay wadaan, waxaanu ku booriyay masuuliyiinta Hay’ada samo-falka ee Al Khayr Foundation  in ay sii labanlaabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dhinacyada biyaha iyo waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaas ku wehelinayay Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net