Madaxweyne Somaliland oo Shacbiga ku Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub ee Miilaadiga

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda Sannadka Cusub ee Miilaadiga oo Caawa Curanaya.

Dhambaal xambaarsan hambalyada Madaxweynaha oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u qornaa sidan:

happy new year 2013“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibada dhalashada sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland, munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasibadaha fasaxa qaran, waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee dawladda ee shaqooyinka ka nasanaya, Gollayaasha qaranka iyo dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kastay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga rajaynayaa in sannadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo horumar, sidoo kale shucuubta aduunka waxa uu u rajeeyey horumar iyo nabadgelyo.”

SOMALILANDPOST.NET