Madaxweyne Somaliland oo Qaabilay Madaxa UNDP u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargaysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay u soo magacawday Somaliland iyo Somalia Mr George Conway.

Madaxweynaha undp

Kulankan oo u jeedadiisu ahayd isbarasho, ayuu Mr George waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado isla markaana uu aad ula dhacay hurmarka iyo waxqabadka ay Somaliland ku talaabsatay isaga oo madaxweynahana iyo shacbigana ku hambalyey dimuquraadiyada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shacbiga Somaliland taasi oo uu sheegay in ay xoojin-doonto wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo UNDP, isaguna uu laban laabi doono shaqada loo soo igmaday ee uu halkan u yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa u sheegay Masuulkan in ay ka somaliland ahaan ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonto hay’addaha qaramada midoobay iyo beesha caalamkaba una rajeeyey madaxan cusub ee UNDP in ay wada shaqayntii hore uga dhaxaysay ay halkaasi ka sii anba qaadi-doonaan, xaga UNDP ahna sidoo kale ay ka rajaynayaan wada shaqayn buuxda.

Somalilandpost.net

Hargaysa