Madaxweyne Somaliland oo farriin Hambalyo, Duco iyo Dambi-dhaaf xambaarsan u u diray Shacabka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa munaasibadda Ciidul-Adxada awgeed oo Berri ku beegan waxa uu farriin hambalyo iyo Duco isugu jirta Goleyaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culimo-awDiinka, Xisbiyada Qaranka iyo dhammaan shacabka Somaliland oo u rejeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo caafimaad-qab.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Shacabka Somaliland u rejeeyey inay caafimaad qab iyo bash-bash ku gaadhaan sannadkan sannadiisa dambe, waxaanu caafimaad-qab ugu duceeyey inuu Eebbe siiyo Bukaanka cusbitaallada iyo guryahooda u jiifa ee aan awoodin inay dammaashaadka Ciidaka ka qayb-qaataan xannuunka haya awgii.

siilaanyoWar-saxaafadeed dhambaalka hambalyada ah ee madaxweynaha lagu faafiyey oo ka so baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweynuhu leeyahay uu shacbiga Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaanu Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una dambi-dhaafo,”Sidaas ayuu lagu yidhi dhambaalka hambalyada iyo ducada isugu jira ee madaxweynuhu shacabka u diray.

SOMALILANDPOST.NET