Madaxweyne Somaliland oo dhagax dhigay Xarun Agoomaha lagu Daryeello oo Dawlada Kuweyt ku bixinayso $3 Milyan (DHEGAYSO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silnaayo), ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo Xarun lagu daryeelaayo Carruurta agoomaha ee Somaliland oo loogu magacdaray Kaamka carruuraha, kaasoo laga hirgalinaayo Bariga Caasimada Hargeysa.

Munaasibaddii dhagax-dhiga waxa  ka soo qayb-gallay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo. Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo. Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali xaaji xasan, Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, taliyayaasha Ciidamada Qaranka ee kala duwan, , Duqa Caasimadda, Ha’yadda samafalka Madaxtooyada  iyo mas’uuliyiin tiro badan oo kale. Waxa kale oo Xafladaasi goob joog ka ahaa wefti ka socday dalka Kuweyt.
Dhismaha xaruntan cusub ee agoomaha oo loogu tallo galay inay qaaddo oo lagu xanaaneeyo ugu yaraan 750 caruurta agoomaha ah ayna ku baxayso adduun gaadhaya saddex Milyan oo Doolar oo ay bixinayso Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt, isla markaanaSarkaal ka socday Dawlada kuweyt  waxa uu sheegay inay xarruntani  ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah. Qayb Carruurta agoonta ah waxlagu baraayo, qayb Misaajida iyo qayb dadka lagu daweenaayo iyo qaybtii hurdada.
Wasiirrada Wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Maaliyadda oo ka hadlay xafladaasi ayaa uga mahad-celiyey Ha’yadda reer Kuwayt ee mashruuan fulinaysa iyagoo dhanka kalena bulshada u jeediyey inay doorkooda ka qaataan sidii mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta isla markaana ay ka faa’iidaystaan caruurta agoomaha ee reer somaliland.
Dr. khalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii reer Kuweyt ee ka soo qayb galay munaasabadda dhagaxdhiga ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso kuwaasoo lagu taageerayo Dawlada Somaliland.
Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo hadal ka jeediyey munaasibadaasi ayaa uga mahad-caliyey dalka Kuweyt kaalmadan ay ku taageerayso Somaliland gaar ahaan caruurta agoomaha oo xaruntani muhiim u tahay sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalkooda oo ay ka mid yihiin bulshada, isla markaana waxa uu ugu baaqay Ummadda, qaranka iyo Ummaddaha ISlaamkaba inuu xilkasaaran yahay oo ay u bahan yihiin in wax loo qabto, isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi. “Waxa maanta (shalay) farxad ii ah inaan ka qayb-gallo Dalka kuweyt xarrunta uu maanta u dhisayaan carruunta dhalinyarada ah xarrunta ee agoonta ah ee u baahan in wax loo qabto oo wax loo sameeyo aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa. Mushtamacaasi waa mushtamac u baahan in wax loo qabto. oo Bulshada qayb wayn oo ka mid ah weeye oo xilkasaran yahay Ummadda, qaranka iyo Ummadda Islaamka meel kasta oo ay jogaanba,” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo),

Halkan ka Dhegayso Khudbaddii Madaxweynaha

Khudbad madaxweyne

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net