Madaxweyne Siilanayo oo Soo Saaray Xeer Maareeye Madaxbannaan u samaynaya Telefishanka Qaranka

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012 ku soo saaray xeerka Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing Directorate of Somaliland) .
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay; Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan Qaran oo madax bannaan,

Markuu arkay; Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareeye u madax bannaan maamulka iyo maareynta hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u soo bandhigida barnaamijyada horumarineed ee dhismaha Qaranka,
Markuu tixgeliyey; Tijaabadii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan
Markuu Tixgeliyey; Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu fadhiyo danaha Qaranka,
Wuxuu soo saaray Xeerkan
Qod. 1 aadWaxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka.

Qodob. 2aad Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, talo iyo tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, iyada oo warbixintana uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu xilsaarto Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministr).
Qod. 3aad Wuxuu mas’uul ka yahay baahinta wararka, barnaamijyada Siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee qaran gudo iyo dibedba oo leh maqal iyo muuqaalba
Qod. 4aadMaareeyaha Telefishanku wuxuu yeelanayaa qaab dhismeed u gaar ah.
Qod. 5aadSharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynuhu saxeexo.