Madaxweyne Siilaanyo Taariikhdaa Xusi Doonta‏

Jamhuuriyada Somaliland (dalkeena hooyo ) waa dhulka  ilaahay inagu uumay waa dal xorayntiisaba iyo yagleelidiisaba ay inagaga baxeen ama aynu ku waynay naf iyo maalba, xoraynta iyo dhidiba u taagida qarankan aynu hoos dugasanyno,

Waxa uu ku yimid halgan dheer oo qaatay wakhti iyo dadaal aad u badan oo loo dhabar adaygay waayihiisii adkaa iyo maraaxilkii uu soo maray,

Halkankaasi ayaa socday mudo toban sano ah, dhamaan shacabka ku dhaqan Somaliland iyaga oo u dhan ayey ka wada qayb qaateen, himiladooda ugu waynina waxa ay ahayd sidii dadka dalkan laaga dhigi lahaa ku ka xorooba dhibaatooyinkii uu k hayey kaligii takiyihii siyaad bare,

Dagaal qadhaadh oo socday intii u dhaxaysay   1982 ilaa 1991 ka dib waxa ay halgamayaashii xaq u dirirka ahaa ku guulaysteen inay ka midho dhaliyaan hamigoodii isla markaana waxa  ay ku guulaysteen hamigoodii ahaa inay dalka xoreeyaan ,

Hogaamiyayaasha ay taarikhdu marnaba ilaawayn ee hayaanka u hayey halkankaa xoriyad dhalinta waxa ka mid ahaa madaxweynaha haatan mud,axmed maxamed maxamuud siilaanyo, kaas oo sidoo kale ahaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa,

Axmed maxamed maxamuud siilanyo madaxweynaha Somaliland  door muhiima ayuu ka ciyaaray habsami u socodka halkankii uu dhaqdhaqaaqii (snm) ku xoreeyey dalka

Madaxweyne siilaanyo ayaa sidoo kale qayb wayn ka qaatay dib u dhiska dalka xorayntii ka dib waxaanu ka soo mid noqday dawladihii dalka soo maray isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay,

Markii jamhuuriyada somaliiland qaaday tubta dimuqraadiyada,  axmed siilaanyo waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaad kii aas aasay ururo  siyaasadeed oo somaliland yeelato kuwii ugu horeeyey , ururkii markaa uu aasaasay axmed siilaanyo waxa uu ahaa xisbiga wayn ee kulmiye,

Xisbiga kulmiye oo maanta ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada somaliland waa xisbigii uu ka soo baxay madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo, madaxweyne siilaanyo iyo xisbigiisa kulmiye markii ay la wareegeen talada dalka shan sano ka hor waxa ay dalka ku hogaamiyeen horumar balaadhan,

Harumarka baaxada leh ee dalka ka hirgalay intii uu madaxweyne axmed siilaanyo xilka hayey waa qaar dhainac walba leh, waxaanu madaxweynuhu wax badan ka qabtay adeegyada aas aasiga ah ee bulshada dhinac walaba ,

Waxaana aynu ka xusi karnaa dhinacyada sida wayn wax looga qaybtay  adeegyada  waxabarashada, caafimaadka, wadooyinka, mucaawimooyinka dadka danyartaa,

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mud,axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) waa shakhsi baal dahaba kaga jira taariikhda jamhuuriyada Somaliland taas oo ay in badan taariikhdu xusi doonto.

W/Q : maxamed maxamuud

Email : mkhadar30@gmail.com