Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.

news1Ujeedo:  Xil-ka Qaadis

Ku: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,

Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

 

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Magacaabid

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                      Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                              Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                      In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:                         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                             In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.