Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Qaranka iyo Hoggaankii Hawl-galka una magacaabay Taliye iyo Hoggaan Cusub

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne  Xilalkii kaga Qaaday Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaa u magacaabay Taliye Cusub iyo Hogaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

Markuu Arkay:             In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:               La tashiga Madaxda ay Arrintani khusayso;

Markuu Arkay:             In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;

In uu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidamada Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse)

Waxaanu uga mahad naqay mudadii ay xilalkan  u soo hayeen, hawshii ay qaranka u soo qabteen.

Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha Dawladnimo fulinaya waxa uu magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)

Sidaa si la mida waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday hogaankii Hawl-gelinta ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse)

Waxaanu magacaabay Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)

Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha in ay Saraakiishaa Xilalka ugu kala wareejiyaan Sida ugu dhakhsaha badan.”

Taliyaha Cusub ee Xilka loo magacaabay Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) ayaa ka mid ah Saraakiishii bud-dhigga u ahaa Hal-gankii hubaysnaa ee dalka lagaga xoreeyey dawladdii kaliga talista ahayd ee Siyaad Barre.

Xilka ka qaadista Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaacil Taani ayaa timi ka dib markii Mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal ku eedeeyey taliyaha inuu ku lug leeyahay dilkii ka dhacay deegaanka Saameel ee galbeedka Somaliland.

In kasta oo xilka qaadista Taliyaha lala xidhiidhinayo mashaqadaas ka dhacday deegaanka Saameel, haddana Taliye Nuux waxa uu beeniyey inuu ku lug lahaa dhacdadaas isla markaana ay tahay fadeecad wax loogu dhimayo sumcaddiisa uu qaranka u xambaasan yahay.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.ent