Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Masuuliyiin u xidhan Eedo Musuq-maasuq

Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Maroodijeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenk Md. Cismaan Siciid Jaamac, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in xilka ay banneeyeen saddexda masuul ay sii hayaan masuuliyiinta hay’adaha ay ka tirsan yihiin.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxooyda ee xilka lagaga qaaday masuuliyiinta ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne  oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

1.  Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona.

1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

Digreetada madaxweynuhu xilka kaga qaaday saddexda masuul ayaa ka dambaysay ka dib markii lagu eedeeyey inay musuqeen raashin mucaawimo ah oo loogu talo-galay dadka danyarta ah ee magaalada Hargeysa, taasina waxay sababtay in saddexdan masuul ay ciidamada dambi-baadhistu xabsiga u taxaabaan isla markaana xilka laga qaado iyaga oo weli xabsiga ku jira.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net