Madaxweyne Siilaanyo oo Xilka ka Qaaday Mid ka mid ah Masuuliyiinta Ugu Cimriga Dheeraa Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne oo ka mid ah masuuliyiinta ugu cimriga dheer ee shaqada ka qabtay xukuumaddiisa xilligii xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegay.

dr-cagawayneMadaxweyne Siilaanyo waxa uu masuulkan beddelkiisa u magacaabay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa inuu noqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Digreeto Xil-ka-qaadista iyo magacaabista madaxweynuhu ku sameeyey wasaaradda Xannaanada Xoolaha, ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa isaga oo dhammeystiran sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime Cusub.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL;

Markuu La Tashaday:                     Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:                         In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xil-ka Qaadis

Ku:         Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne),

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha    

Og:         Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                                             

Mudane,

Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.”

Dr Caga-weyne, ayaa ka mid ahaa Agaasimayaashii Guud ee u horreeyey ee madaxweynuhu magacaabo xilligii uu talada dalka ku guulaystay xisbiga Kulmiye 27 June, 2010, waxaanu wasaaraddaas xilkeeda hayay muddo ku dhow-dhow Afar Sanno.

 

SOMALILANDPOST.NET