Madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Mareeyihii Wakaaladda Waddooyinka iyo magaca Masuul Cusub oo lagu beddelay

siilaanyo-777Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii uu ka hayay ka qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md Xasan Cali Cismaan, waxaanu beddelkiisa u magacaabay xilka hay’addaas masuul cusub oo lagu magacaabo Ibraahim Siciid Cilmi oo noqonaya Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyina Somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan digreetada madaxweynaha oo ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr), waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Xasan Cali Cismaan,
Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL
Mudane,
Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.