Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Kulmiye Bookhday, Qaatayna Kaadhka Golaha Dhexe

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed maxamuud siilaanyo ayaa saaka bookhday xarunta xisbiga kulmiye ee Hargeysa, halkaasi oo uu u tagay is diwaangalinta iyo qaadashada kaadhka shirka golaha dhexe ee 10 bisha dambe loo qoondeeyay.
Siilaanyo Kulmiye 2

Siilaanyo Kulmiye 5 Siilaanyo Kulmiye 6

 

Ugu Horay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo madaxweynaha halkaa ku soo dhaweeyey ayaa waxa uu yidhi  “madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa,  adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer  aad  wada fadhideena  xusuus gaarabay  u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay  maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu  iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”

 

Muuse Biixi Cabdi, gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo isaguna ku soo dhawaynta madaxweynaha ee xafiiska Kulmiye ka ayaa waxa uu hortiisa ka sheegay in aannu madaxweynuhu isaga garabka saarin, sida ay ku dacwoodeen xubnaha is casillay. Gudoomiyaha waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan  ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo madaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu  faq iyo fagaaraba  aanu aniga  wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.

Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa  howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay  inaanu kala fadhiisano.”

 

Ugu dambayn madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbay  ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

 

Siilaanyo Kulmiye 4 Siilaanyo Kulmiye 3

 

Madaxweynaha ayaa sawirka qaadashada kaadhka ka galay  goobta kaadhadhka laga bixinaayo ee xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waana markii ugu horaysay ee Siilaanyo booqdo xarunta xisbiga Kulmiye tan iyo intii khilaafaadka xisbigu bilaabmay.Siilaanyo Kulmiye 1

 

Somalilandpost, Hargeysa Office