Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Wershad nooceedu ku cusub yahay Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), aya maanta ka xadhigga ka jaray wershad nooceedu ku cusub yahay Somaliland, taas oo ay maal-gasheen Ganacsadayaal dalka u dhashay.

wershadda2Wershadda oo soo saari doonta daabacadda buugaaga Ardaydu ku isticmaalaan Dugsiyada iyo Jaamacadaha iyo noocyada kala duwan ee daabacaadaha, ayaa waxa laga hirgeliyey Bariga Caasimadda Hargeysa.

WershaddaWershaddan oo uu maalgashaday Ganacsade Aadan Baradho, ayaa munaasibadda Wanqalkeeda lagu qabtay isla goobta ay wershaddu ka dhisan tahay, waxaana ka-qayb-galay Golaha xukuumadda oo madaxweynuhu hoggaamiyo, xildhibaanno ka tirsan labada gole baarlamaan, madax-dhaqameed, ganacsato iyo marti-sharaf kale.

wershadda3Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu xadhigga ka jarin wershadda, hadal kooban ka jeediyey, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in maal-gashi baaxaddaas leh laga hirgeliyo isaga oo ku tilmaamay tallaabo ku dhiirrasho mudan oo Ganacsatada dalku ku maalgashaan karaan dalkooda.

wershadda_xadhiggaUgu dambayntii, madaxweynaha Somaliland ayaa xadhigga ka jaray, wershadda Daabacaadda ah oo ah markii u horeysay ee nooceeda laga hirgaliyo Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET