Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Dhismaha Wejiga koowaad ee Waddada Cad (SAWIRRO)

Toon (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhigga ka jaray Wejiga Koowaad ee waddada isku xidha Magaalada Sallaxley iyo caasimadda Hargaysa taas oo 13 KM oo ka mid ah Laami laga dhigay inta kalena loo ballamay dhamaystirkeeda.

Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaano labada gole ka tirsan, Salaadiin iyo dadweyne kala duwan, ayaa ka qayb-galay munaasibad xadhigga laga jaray oo lagu qabtay duleedka tuulada Too nee Koonfurta Magaalada Hargeysa.

Waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudida dhismaha Wadada Cad Mr Cali Ibrahim Maxamed waxaanu ka waramay marxaladihii ay soo martay wadadani oo la dhisay wakhtigii gumaysiga isla markaana ay burburtay dayac tir la’aan soo wajahday awgeed ,Waxaa kale oo Gudoomiyahani sheegay in dhismaha Wadadan ay ku baxday Adduun dhan Todoba Boqol oo Kun oo dollar, oo ay 99% bixiyeen dadka kasoo jeeda deegaanka salaxlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal ka jeediyay Madashii Xadhig ka jarista Wadada Cad ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay taageero ka gaysanayso dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi,isagoo Intaas ku daray in arrintani Muujinayso Iskaashiga ay bulshadu samayso inuu lagu gaadhi karo horumarka aynu qaran ahaan higsanayno .

Shirkadda isgaadhsiinta Telesom ayaa munaasabadaasi kaga dhawaaqday adduun lacageed oo gaadhaya Soddon kun oo Doolar oo ay ugu deeqday dhismaha wadadaasi, halka sidoo kalena Shirkadda Ganacsiga ee Al-Nuur ay waddadaasi dhamaystirkeeda ugu deeqday Konton Fuusto oo Daammur ah.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xuseen Muxumud Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Xaaji cabdikariin Xuseen (X. Cabdi waraabe) iyo salaadiin kala duwan waxana ay dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay leedahay waddadan isku xidhaysa Degmada Sallaxley iyo Caasimadda  Hargaysa.

Somalilandpost.net/Hargeysa