Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Dhismaha 5-KM oo ka mid ah Waddada CAD, ballan-qaadna u sameeyey bulshada deegaanka SALLAXLEY (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray 5KM oo ka mid ah waddo dhismaheedu socdo oo Caasimadda Hargeysa ku xidhaysa degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.

Dhismaha Waddada CAD oo ay iska kaashadeen bulshada degmada Sallaxley iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa immika la dhammaystiray 28 KM marka lagu daro 5-ta KM ee madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray.

DSC_0180Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan masuuliyiin ay ka mid yihin Maxamed Iid Dhinbiil La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Dheeg oo ka mida golaha Guurtida, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Warancade, Wasiirka Gashaandhiga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Warfaafinta, dhqanka iyo wacyigelinta Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa deegaanka dhismaha waddadadu ka socoto si weyn ugu qaabiley dadweyne tiro badan oo ku sugnaa xaflad goobta dhismuhu ka socdo loogu qabtay xadhig-ka-jarista 5-ta KM ee dhammaystiray.

Waxa munaasibadda ka hadlay masuuliyiinta degmada, Madax-dhaqameed, qurbejoog deegaanka u dhashay, Guddiga gacanta ku haysa Dhismaha Waddada Cad, Masuuliyiinta Dawladda, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday qiimaha iskaashiga dadweynaha iyo maamulku u leedahay horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo gunaanadkii munaasibadda ka hadlay, waxa uu dadweynaha reer Sallaxley uga mahad-celiyey soo-dhawaynta ay weftigiisa ku qaabileen, xukuumad ahaanna ay farxad u tahay inay bulshada deegaanka kala qayb-galaan dhismaha Waddada Cad oo halbowle u ah isu-socodka iyo isku-xidhnaanshiyaha degmada Sallaxley iyo Caasimadda Hargeysa.

“Waxa farxad inoo ah inaanu maanta ka wada-hawl-galayno oo ka wada-qayb-galayno, dhismaheeda iyo horumarkeeda xilbaa naga saaran, dawladdii Qarankaanu nahay, xil baa na saaran, wixii dalka horumarkiisa ah ee waddooyinka iyo wixii shacbigu ku darsanayaba inaanu ka caawino oo gacan ka siinno, waajib iyo xil na saaran weeyi, waajibkaasna si buuxda ayaanu uga soo baxaynaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

DAAWO SAWIRRO

SOMALILANDPOST.NET