Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiirudawlaha Xanaanada Xoolaha Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timi Hooyadii

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka taciyeeyay Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) geerida ku timi hooyadii Jamaad Sheekh Aadan.

TACSI MADAXWEYNE-19/01/2016

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Eheladii ay ka baxday Marxuuma Jamaad Sheekh Aadan oo ku geeriyootay Shalay “18/01/2016” Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Raasul Khayma.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumada Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) oo ay hooyadii ahayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.