Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay Mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xilkii
Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib markii uu iska casilay wasiirkii hore ee wasaaradda Dr. Gabboose.

Warsaxaafadeed kooban oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxAa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay  0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .

Madaxaweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay  Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL,

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:                   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Magacaabista iyo Buuxinta jagada ka bannaanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Madaxweyne Siilanyo ku qaadatay muddo isla markaana dhowr nin oo lala xidhiidhinayay buuxinta Jagadan hore ay suuqa jireen, balse xubintan baarlamanka ee loo magacaabay ayaan ka mid ahayn xubnihii marna lagu soo hadal-qaaday goobaha lagu qaadaa-dhigo falaqaynta siyaasadda Dalka.

 Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com