Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diraya Qoyskii & Qaraabadii ay baxeen dadkii ku dhintay Masiibadii Dooxa Agabar

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoysaskii, Qaraabdii, Asxaabtii iyo Ehelkii ay ka bexeen dadkii ku geeriyooday masiibadii habeen hore ka dhacday Dooxa Agabar ee uu ku qaaday  labada baabuur ee ku sii jeeday Wadanka Jabuuti, kuna Geeriyoodeen 12- Ruux oo ka mid ahaa Rakaabkii saarnaa labadaas Baabuur.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuuminta ku nafwaayey masiibadan naxdinta leh ee ku habsatay, inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii iyo dhamaan Shacab-ka reer Somaliland-na samir iyo Iiman ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.