Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diraya Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Buuhoodle oo Geeriyooday

Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM CHIEF CAAQIL CABDILAAHI SHARAAFI DHEGACADE oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Deegaanka Buuhoodle oo Xalay ku geeriyooday Columbus-Ohio ee Cariga Maraykanka.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Aamiin………………………………….Aamiin…………………………………..Aamiin