Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diraya Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta oo Aabihii Geeriyooday

SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa wasiir-ku-xigeena Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Md Xasan Daahir Dhinbiil iyo Qoyska ilma Daahir Dhinbiil ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Aabahood Marxuum Daahir Dhinbiil Fariid oo shalay lagu aasay magaalada Boorame.

Dhambaal xambaarsan tacsida Madaxweynaha, ayaa u qornaa sida tan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland  Mudane, Xasan Daahir Dhinbiil isaga oo ka tacsiyadaynayaa madaxweynuhu geerida ku timid  Aabbihii Daahir Dhinbiil Fariid oo ku geeriyooday Magaalada Boorama laguna aasay 26/09/2013.

Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, isaga oo illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.